Wefti Uu Hoggaaminayo Guddoomiye Cirro Oo Safarkii Sama-wade Lugtiisii Saddexaad Ugu Kicitimay Gobolka Saaxil Iyo Soo dhaweyntii Taxnayd Abdaal Ilaa Berbera DAAWO
Berbera 07. March 2016 (SDN/QJ):- Waftigan ballaadhan uu guddoomiye guddoomiyaha golaha Wakiiladaa Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaarradka Ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa safarkii Sama-wade lugtisii saddexaad saaka ugu jarmaaday Gobolka Saaxil,iyagoo socdaalkood ka bilaabay degmada Abdaal ee gobolka Saaxil,waxaana kala kulmeen soo dhaweyn aad u ballaadhan,isla markaana waxay cabaar ku hakadeen magaalada Abdaal oo ay khudbad ku tacaluqa diiwaangelinta iyo adkaynta nabadgelyada uga jeediyeen dad weeynaha ku dhaqan Abdaal iyo madheera, waxaana weftig Guddoomiye Cirro intaa kadib ugu sii gudbeen dhinaca magaalooyinka Lafaruug,Xamaas daragodle, kuwaas oo ay kala kulmee soo dhaweyno xidhiidh ah oo aan kala golahayn.
Dhinaca kalena Weftiga Guddoomiye Cirro hoggaaminaya ayaa gaadhay magaalo madax-gobolka saaxil ee Berbera,taas oo ay kala kulmeen soo dhaweyn aan loo kala hadhin oo baaxadle,isla markaana waxa weftiga loo gelbiyey dhanka xarunta Xisbiga WADDANI ee Gobolka Saaxil, halkaasi oo ay kala haddleen masuuliyiinta Xisbiga WADDANI dad weyne cadad-badan oo isugu yimi halkaasi.
Waxaana ugu horayn halkaasi ka haddlay xildhibaan siciid Cilmi Rooble,isago ugu baaqay shacabka reer Saaxil in ay si mugle isu diiwaangeliyaan”Weynu badelaynaa waxan ina haysta,nin madaxweyne ah oo reer Berbera ah oo inaga naxaya, oo wax inagu celinaaya,oo inoo subkaaya,beriberi waa hooyo in badan-baynaan subkan,weynu subkanaynaa doorkan,diiwaangelinta waa gelaysaan,waa la ina xantaa, waa toban kun-baa la ina yidhaahdaa,waa shan kun-baa la yidaahdaa,boqolkun yaynu ka yaraa boqo kun maanta”Ayuu yidhi Siciid Cilmi Rooble
Ugu dambayntii waxa halkaasi shacabka reer Berbera khudbad dhincayo badan taabanaysa uga jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi isagoo shacabka reer Berbera uga mahadnaqay sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen,isla markaan ugu baaqay in ay is diiwaangeliayaan ilaaliyaana nabada “Dadka ka so jeeda Gobolka Saaxil waxaan ugu baaqayaa dhammaantood xitaa haddii aanay deganayn gobolka saaxil,in ay saaxil iska diiwaangeliyaan ayaan ugu baaqayaa ,waxaan rajaynayaa,in aad dad badan aad u quus-goysaan,oo halkan soo eegaya oo tirade saaxil ay ka simanto dhammaan gobolda kale,hadii ilaahay ka dhigo,waxaan ugu baaqayaa shacbiga reer Somaliland gaar ahaan gobolka saaxil in aynu si nabad-gelyo a ku galno diiwaangelinta,xasiloonida iyo nabadgelyaduna qof kasta oo muwaadin ah waa xil saran,xukuumadda oo qudha ma saarna,shacbiga walaalaha ah ee G/saaxilna waxaan ugu baaqaya wada noolaansho, nabad-baan ugu baaqayaa,berbera waa Hooyo sida uu sicid sheegay,Somaliland-baay hooyo u tahay,ana gaarbay hooyo iigu sii tahay gobolka ayaan ka soo jeedaa,isnsha allaah waxaan rajaynayaa in aad isbedelka ka qayab-qaadataan,umadu maanta isbadel bay u baahantahay,in cadaalada la wanajiyo ayay u baahantahay,in Somaliland nabad-gellyadeed iyo midnimadeedal la wanaajiyo ayay u baahantahay, in Berberi xaqa ay leedahay hesho ayay u baahantahay,”Ayuu yidhi Cirro