|

Siyaasi Xassan Al- Turaabi Oo Ku Geeriyooday Da’da 84-jir

Khartoum – Allaha u naxariistee waxaa gelinkii dambe ee Sabtidii maanta Magaalada Khartoum ku geeriyooday Sheekh Hassan Abd Allah Al-Turabi, oo ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu waawayn ee dalka Suudaan, sida wayna looga garanaayo daafaha caalamka.

al-Turabi-250x250

Sheikh Hassan Abd Allah al-Turabi, ayaa sanadkii 1932-kii ku dhashay Magaalada Kassala ee dalkaasi Suudaan, waxaana uu ku geeriyooday da’da 84 jir, waxa uuna ka dhashay qoys aad ugu dheer diinta.

Siyaasigan, ayaa waxaa lagu tilmaamaa ninkii dejiyay Siyaasadda Islaamka ee Suudaan, waxaana loo arki jiray maskaxda ka dambeysa in xukunka dalkaasi uu qabsado Madaxweyne Omar Hassan al-Bashir, ka dib markii uu taageeray inqilaabkii uu dalka ku qabsaday.

Waxaa uu markii dambe uu ka horyimid Madaxweyne Omar Hassan al-Bashir, isla-markaana uu taageeray qaraarkii Maxkamadda Dembiyada Caalamiga, ee ku aadanaa in la soo xidho al-Bashir. Xukuumadda Khartoum ayaa marar kala duwan xidhay siyaasiga reer Suudaan.

Al-Turabi, ayaa ku hadli jiray luqadaha Carabiga, Ingiriisiga, Faransiiska iyo Jarmalka. Waxaa lagu sifeeyaa nin cilaaqaad wanaagsan la lahaa Saxaafadda Caalamka.

Marka laga hadlaayo saamayntii uu lahaa, ayaa la sheegaa inay aad ugu fududeed in dadka uu ka dhaadhiciyo diinta Islaamka iyo weliba fekerkiisii siyaasadeed ee uu aaminsanaa.

Comments are closed