|

Shaqaalihii Somalida oo diiday inay dib ugu laabtan Shirkadda Hilibka Cargill inta ay wax ka badalayso Siyaasadda Salaad Tukashada!

Washington 06.March 2016 (SDN/QJ):- Shirkad wayn oo diyaarisa hilibka oo ku taalla oo lagu magacaabo Cargill kuna Fort Morgan ee dalka Maraykanka ayaa dib u shaqaalaysiisay  10 kamid ah 150 shaqaale oo sanadkii tagay dabayaaqadiisii laga eryay shaqada, kadib markii ay shaqada uga  tageen muran la xiriira Tukashada Salaadda.

 

download (2)Kadib markii uu dhibaato keenay tiro intaasi le’eg oo shaqaale ah oo ay cayrisay shirkadda Cargill ee Hilibka Lo’da farsamaysa, ayay wax ka badashay siyaasaddeedii shaqalaysiinta, ayadoo fursad usiisay Soomaalidii halkaasi u badnayd inay dib shaqada usoo xeraystaan.

 

Shaqaalaha Somaalida ayaa ka cawday in waqtiga lasiiyay ee dib usoo xeraynta shaqada uu aad u yaryahay.

 

forsaleQaar kamid ah Shaqaalaha Cargill waxay ku cabanayaan haddii aan wax laga badalin siyaasadda Salaad tukashada Shirkadda inaysan ku laaban doonin shaqada.

 

Maxamed Axmed oo halkaasi saddex sano ka shaqaynayay ayaa sheegay in arintii shaqada ay uga tageen ay wali taagan tahay.

 

Shirkadda Cargill waxay sheegtay inay ooffisay dalabadkii ay Muslimiinta soo gudbisteen, balse dhammaan dalabaadka aan la wada oofin karaynin.

 

Shirkadda ayaa sheegtay in wax soo saarka shirkadda uu dhaawac gaarayo haddii shaqaalaha Muslimiinta ah ee shirkadda u badan hal mar salad ay wada aadaan.

 

Warbixin ayaa lagu sheegay in Shirkaddu ay shaqaalaysiisay 100 qof si ay u buuxiyaan booskii shaqaalihii la cayriyay ama meesha ka tagay, balse shirkaddu waxay sheegtay in wali dhibaato haysato oo aan booskii lawada buuxin.

 

Shirkaddu waxay sheegtay in wali tiro badan oo Soomaali ah oo gaaraysa 500 inay wali ka shaqayso shirkadda.

Comments are closed