|

Kulan lagu Taageerayay Murashaxnimada Golaha Wakiiladda ee Maxamed Khadar Carare oo Hargaysa ka dhacday iyo Khudbada uu ka Jeediyay DHAGAYSO

Hargaysa 06.March 2016 (SDN/QJ):- Munaasibad ay habeenkii xalay soo qaban-qaabiyeen haween weynaha ku dhaqan magaallada Hargeysa gaar ahaanna deegaanka Gaashaanbuur oo ka tirsan beellaha ciidagale ayaa lagushaaciyey cududda taageero ee ay la garab taagan yihiin Musharrax Maxamed Khadar Daahir (Maxamed Khadar Carare) oo kamid ah Musharraxiinta u taagan doorashada golaha wakiillada ee la filayo in ay kal dembe ka qabsoonto dalka, isaga oo musharraxu ka sharraxan gobolka Hargeysa.

DSC00251-1Munaasibadan oo xalay lagu qabtay Hotel-ka Ramaad ee Magaallada Hargeysa ayaa ka sokow haweenka soo qaban qaabiyey ay kasoo qayb galeen Masuuliyiin kala duwan oo ka socda xukuumadda iyo kuwo ka tirsan qaybaha bulshad, waxaana ka sokow taageerada ay shaaciyeen in ay u hayaan Musharrax Maxamed Khadar waxaa ay ku muujiyeen sidii loo dardar gelin lahaa hawlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee dhawaan la filayo in ay gobolka Hargeysa ka bilaabanto iyaga oo ku baaqay in dadka deegaanka lagu wacyi gelin sidii ay tirakoobkaas uga qayb qaadan lahaayeen. Ugu horeyn waxaa Halkaasi ka halday Gudoomiyaha Guddida Gaashaambuur Maxamed Cismaan Waxaanu sheegay in ujeedada kulankani uu yahay sidii loo dar dargalin lahaa hawlaha Diinwangalinta , isagoo sheegay in Haweenku kaalin muhiim ah kaga jiraan Beesha sidoo kalena ay yihiin dadka ugu badan ee Codeeyaa. Khadar Cabdi Wayd oo isna ka hadlay halkaasi  ayaa sheegay in Muhiimadda kulankani tahay Sidii la isugu wacyigalin lahaa qaadashada Kaadhka Cod Bixinta.

Caaqil Cismaan oo ku hadlayay Afka Madax Dhaqameedka ayaa isna halkaasi ka hadlay waxaanu ku dheeraday qiimaha ay diinwaangalintu leedahay. Prof C/raxman Digaale oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Dhamaan Haweenka halkan isugu yimid looga baahanyahay in Ay fariinta caawa halkan looga dhiibo ee ah sidii gacmaha la isku qabsan lahaa ee looga wada qeyb qadan laha Diinwaanglainta ay gaadhsiiyaan dhamaan Bulshada ku abtirsata Beesha Gaashaambuur.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Mudane Maxamed Xuseen Dhabbeeye oo halkaasi ka hadlay ayaa Haweenka dardaaran ku siiyay in ay kaalin mug leh ka qaataan soo saarista Murashax Maxamed Khadar , isagoo sheegay in Hawlaha ugu horeeya ee lagaga midho dhalinayo Himiladaasina tahay bu yidhi qaadashada Kaadhka Codeynta. Sidoo kale Agaasmaha ayuu ku amaanay Murashaxa in uu yahay Aqoonyahan wax badan u qaban karaa Beeshiisa iyo Deegaankisaba isagoo sheegay in uu ka soo jeedo Qoys caaan ah oo magac leh. Saynab Axmed Cabdi iyo Hooyo Tiriig oo ku hadlayay afka Haweenka ayaa sheegay in Murashax Maxamed Khadar uu yahay Xiddiga Beesha Gaashaambuur , isla markaana ay Hiil iyo Hooba ay habeen iyo Maalinba la garab taaganyihiin. Waxay sidoo kale sheegeen in ay Dadaal badan ka geysan doonaan Hawlaha diinwaangalinta oo ay is abaabuli doonaan isla markaana ay awooodda saari doonaan talaabo kasta oo ay ku gaadhayaan Himiladooda ah in Murashax Maxamed Khadar Daahir Noqdo Xildhibaan ka mid noqda Golaha Wakiilda Somaliland.

DSC00237Ugu Danbeyntii Waxaa Munaasibaddaasi soo gunaanaday oo ka hadlay Murashax Maxamed Khadar Daahir Waxaanu u mahad naqay Haweenkii soo agaasimay Munaasibaddan isagoo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in Munaasibadan uu ka soo qeyb galo. Murashaxa ayaa ku dheeraaday Macnaha ay leedahay Diinwaangalintu , waxaanu sheegay in Diinwaangalintu tahay wax aad xaq u lahayd oo kaadh lagu siinayo. “ Marka La Sameenayo Diinwaangalin waxaa weeye macnaheedu , wax aad xaq u lahayd oo kaadh laguu siinayo , Kaadhkaana u qaadato wax aad xaq ugu leedahay in aad cidda doonayso ku soo saarto , Ciddaasina waa ciddii adiga ku mattali lahayd ..” Ayuu Yidhi Murashax Maxamed Khadar Daahir. Murashaxa oo si watta Hadalkiisa ayaa waxaa uu intaasi ku daray “ Dadka qaarba waxay u fahmaan marka qof la doorto isaguun in loo daneeyay , Meeshana uu tagayo halkaana lagaga hadhayo , waxaan idin ballaan qaadayaa Siidhiga waa wada sidanaysaan halkaana ka wada afuufa , hadhaw si aanan aniguna isu dhigan ..” Ayuu Yidhi Murashax Maxamed Maxamed Khadar Daahir.

Munaasibaddan oo ahayd mid ilyartu is qabatay isla markaana ay soo buux dhaafiyeen Haweenka Beesha Gaashaambuur ayaa ku soo dhamaatay Jawwi Degen oo Farxadi ku dheehantahay .

Comments are closed