|

Kulan Lagaga Hadlayo Xaalada Gudashada Xajka Ee Dadka Somaliland Iyo Xal U Helida Caqabadaha Ay La Kulmaan Oo Hargeysa Lagu Qabtay

Hargaysa 06.March 2016 (SDN/QJ):- Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Ayaa Magaalada Hargeysa ku qabtay kulan lagu lafa gurayo sidii xujaajta Somaliland si habsami ah u gudan lahaayeen waajibaadka xajka isla markaana looga hortagi lahaa caqabadihii ay hore ula kulmi jireen.
Kulankan oo ay soo qaban qaabisay wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta, Agaasimaha guud, wasiirka wasaarada Caddaalada, wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka , guddoomiyaha ururka dhakhaatirta Somaliland, wasiiru dawlaha Madaxtooyada , xildhibaano, cullimada xujaajta kaxeeya oo ka kala socdey lixda gobol ee dalka iyo qaar ka mid ah madaxda shirkadaha Diyaaradaha.
Agaasimaha guud ee wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Saleeban Siciid Cali oo ugu horreyn kulankan furay ayaa ka war bixiyey ujeedada kulankani ay u qabteen waxaana uu yidhi
“Ujeedada kulankani waa sidii wasaarada iyo cullimada dalku uga wada hadli lahaayeen sidii ay dadka reer Somaliland si habsami ah ugu gudan lahaayeen waajibaadka xajka isla markaana xal ugu samayn lahayn caqabadaha iyo duruufaha soo waajaha xujaajta”.

Wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta MD Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed ayaa isna sheegay in kulankani yahay kii ugu horreeyey ee la iskugu yimaado lagaga hadlo arrimaha xajka waxaana uu yidhi
“kulankan aynu maanta isugu nimid waa sidii aynu u hagaajin laheyn wajibaadka xajka oo ah rukni ka mid ah diinteena Islaamka, isla markaana loo soo gudan lahaa iyada oo laga hor tagaayo caqabadaha soo waajaha dadka xujaajta ah xilliga ay ku sugan yahiin gudashada waajibkaasi saaran, waxaanan aad ugu mahad naqayaa cullimada arrintaas gacanta ku heysa ee dadka kaxeeya oo dadaal badan sameeya iyo madaxda shirkadaha diyaaradaha oo iyaguna qeyb weyn ka ciyaara, Somaliland ma aha dal la aqoonsan yahay isla markaana ma saxeexno heshiiska xujaajta dawlada sucuudiga, waayo waxay aqoonsan tahay dawlada faderaalka ah ee Soomaaliya oo iyadu heshiiskaasi saxeexda balse waa in aynaan arrintaas isku haleynin ee aynu iskeen wax u qorsheysanaa waxaana aanu halkan iskugu yeedhanay dadkii fikir iyo tallo aanu bidayney “.
Waxa kale oo kulankan ka Hadley qaar ka mid ah culimo awdiinka Somaliland oo ka kala yimid lixda gobal ee dalka isla markaana dadka xajka geeya iyo qaar ka mid ah madaxda shirkadaha diyaaradaha waxaana ay wasaarada diinta uga mahad naqeen kulankan ay maanta Hargeysa ku qabatey iyaga oo xusay in kulankani uu yahay mid aad loogu baahnaa.

Comments are closed