|

Madaxtooyada Oo Qorshaysay Xil Ka Xayuubinta Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland

canbaro

Hargeysa — Madaxtooyada Somaliland ayaa qorshaynaysa in ay xilka ka qaado Taliyaha laanta Socdaalka Mudane Maxamed Cali Yuusuf [ina Canbaro], sida ay sheegayaan war loo qaateen kasoo baxaya qasriga madaxtooyada Somaliland.

Taliye Canbaro ayaa illaa hadda xil ka xayuubinta lagu sameyn doonno la garanayn sababta keentay xilligan, balse warar hoose oo kasoo baxaya qasriga madaxtooyada Somaliland ayaa sheegaya in lagu badali doonno taliyihii isaga ka horreeyay Mudane Maxamed Cismaan Caalin [Dayib].

Warku waxa uu intaasi ku darayaa in habeenkii xalay ay madaxtooyadu qorshaysay xil ka qaadistan, balse aanay weli ku wargelin warbaahinta inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in taliye Canbaro loo sheegay in xilkaasi laga qaadi doonno.

Dhanka kale, Ilowareedyo xog-ogaal ah oo ka dhow xarunta laanta socdaalka Somaliland iyo shaqaale ka tirsan laanta socdaalka ayaa Qurbejoog.Com u sheegay in warkaasi soo gaadhay, balse aan illaa hadda taliyaha si rasmi ah xilka looga qaadin.

Si kastaba ha ahaatee, lama garanayo sababta xilligan kusoo beegtay xil la qaadista Taliye Canbaro.

Comments are closed