|

Shacabka Reer Uganda Oo Yoweri Museveni Ugu Baaqay Inuu Ku Deydo Cabdiraxmaan Faroole

fore

Kampala — Inta badan dalalka ku yaala qaarada afrika waxa madaxweyne yaal ka ah ama kasoo ahaan jiray madaxweyne kaligii talis ah, Jecelna inuu markasta ku fadhiyo kursiga ugu sareeya ee dalka.

Haddaba, dalka Uganda oo kamid ah dalalka ciidamada nabad ilaalinta u soo diray Soomaaliya ayaa waxa ka bilowday tartanka doorashada madaxtinimada ee dalkaasi. Madaxweynaha iminka ee Yoweri Museveni ayaa isna musharax ah. Walow dadka reer Uganda ay yihiin isbedel doon.

Arinta soo jiidashada leh, dhiiri galintana siinaysa Soomaalida ayaa waxay tahay kadib markii siyaasiyiinta iyo shacabka reer Uganda ee isbedel doon ka ah ay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ay ugu baaqeen inuu ku deydo madaxweynihii hore ee Puntland mudane Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole. Madaamada Faroole hal cod lagaga Adkaaday isla markaan uu ku qancay qaabkii ay u dhacday doorashadu.

Wargeysyada kasoo baxa dalka Uganda ayaa arintan aad u falanqeeyey. Sidoo kale na waxa jira warar sheegaya in dalka Uganda laga mamnuucay heesta ku dayo Puntland. Heestaas oo noqotay heesta shacabka isbedel doon ka ah ugu daawashada badan yihiin. Lama waxa lagu samayn doono qofka lagu arko isagoo dhagaysanaya heestaasi. Walow aan si rasmi ah loo shaacin mamnuucida heestaasi.

Hoos ka Akhriso Qoraalada ay wargeysyadu ka qoreen arintan;

‘Emperor’ Museveni, and what Puntland in Somalia teaches

Museveni, and what Puntland in Somalia teaches us about

‘Emperor’ Museveni, and what Puntland in Somalia teaches

Comments are closed