Xukuumada Somaliland Oo Markii U Horeysay Ka Hadashay Xaalada Deegaanka Ceel Gardi
Hargeysa — Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse DIiriye oo maanta xafiiskiisa shir jaraa’id ku qabtay ayaa markii u horeysay ka hadlay xaalada ka taagaan deegaanka ceel gardi oo ka tirsan gobolka saaxil isla markaana maalmihii u danbeeyeyba muran xoogani ka taagnaa.
Waxaana uu wasiirku shaaca ka qaaday inaanay ka xukuumada ahaan aqoonsanayn dekeda laga yagleelayo deegaanka ceeli gardi waxaana uu sheegay inay aqoonsan yihiin oo kaliya dekedaha Maydh, Saylac Iyo berbera waxaana uu yidhi.
“Waxaan dawladi fasaxin oo aanay iyadu dhisaynini deked maaha, dekedaha dawlad baa maamusha iyadaa ogolaata iyada dhista iyo cidaan geysata halkii ay u aragto deked oo wax laga soo dajinaayo sida maydh oo kale sida saylac oo kale iyo sida ta berbera oo kale dekedaha aynu naqaanan waa kuwaa. Laakin dee hadii meel walba oo baddeena dheeri marto uu reer walba yidhaa deked baan ka samaysanayaa aan wax kala soo dago dalku dee fawdo ayuu galaya mana aqbalayno taas wax loo baahan yahayna maaha ”sidaas ayuu yidhi Maxamed Muuse Diiriye
Mudane Maxamed Muuse Diiriye isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi
“ Waxaan leeyahay shacabkana ha ogaadaan inay dalka dawladi ka taliso oo waxay diiday ay diiday waxii ay fulinaysana ay fulinayso mana aha in cid walbaaba intay qori iska qaadato waxay doonto yeesho, ninka wax diidaa inuu yidhaa ana gacantayda ku fushanaya maaha, ka difaacanayaana inuu qori soo qaato maaha loogamana baahna dalka taas, waxaana leeyahay shacabka Somaliland waxaad xaq u leedihiin iyo waxaydaan u lahayna kala garta anaguna ka dawlad ahaan talaabo Ayaan qaadi doonaa”
Gabagabadiina wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha Somaliland Mudane Maxamed Muuse Diiriye waxa uu shacabka ku dhaqan deegaankaasi ku booriyay inay ilaashadaan amniga iyo xasiloonida dalkooda waxaana uu yidhi
“Waxaan leeyahay shacabkaa kacsan hawl idinka idiin taala maaha hawshaasina dawlada ayay u taala, haday dekedo dhisayso iyo hadanay dhisaynbana iyada ayay u taala shicib diiidi karaana ma jiro markaa waxa idin leeyahay ilaasha amnigiina iyo xasiloonidiina”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Mudane Maxamed Muuse Diiriye
Gabagabadina waa markii u horeysay ee xukumada Somaliland ka hadasho xaalada ka taagan deegaanka ceel gardi oo dhawaanahanba muran xoogani ka taagnaa isla markaana laga binaynayo deked cusub taasi oo dhalisay shaqaaqooyin khasaare gaystay