Xoogagga Al-shabaab oo Xalay Weerar Culus ku Qaaday Degmada Afgooye ee Shabeellada Hoose
Muqdisho — Xoogagga Al-shabaab ayaa xalay Weerar Culus ku Qaaday Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo ay u Suuro-gashay inay gudaha u galaan ayna la wareegaan gacan ku haynta saldhig ay ciidamada dowladda FS ku sugnaayeen.
Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalkan, ayaa haddana shacabka Degmada waxay sheegayaan inay maqlayeen rasaas culus oo ay dhinacyadu is-weydaarsanayeen, isla markaana ay jiraan khasaare kala duwan uu gaaray labada dhinac.
Sidoo kale, xoogagga Al-shabaab ayaa la sheegay inay markii hore degmada ka soo galeen dhinaca laamiga aada Baydhabo oo ay ku lahaayeen ciidammo ka tirsan kuwa dolwadda Somalia, iyagoo kaddib ay u suuro-gashay inay gudaha u galaan degmada.
Goobjoogayaal kale oo degmada ku sugan ayaa iyagana laga soo xigtay inay xoogaggii Al-shbaaab ku gubeen gudaha degmadaas gaadiid dagaal, halka kuwa kalena ay horay u kaxeysteen.
Dhanka kale, wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in mid ka mid ah kooxdii weerartay degmada Afgooye uu Is-qarxiyay, taasoo argagax weyn gelisay dadka ku nool degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose.
Ugu dabmeyn, Guddoomiye ku xigeenka maamulka Degmada Afgooye ayaa warbaahinta u sheegay iay iska caabiyeen xoogaggii Al-shabaab, balse ma uusan diidin in Al-shabaab ay muddo gacanta ku hayeen degmada.
Si kastaba ha haaatee, Xaalada Degmada Afgooye ayaa saakay kacsan, iyadoo degmadaas ay gaareen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia oo baaritaan ka wada xaafadaha degmadaas.