|

Madaxweynaha Puntland oo Lug Kudhex Mushaaxay Bosaso SAWIRO

Garowe 30.Jan 2016 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaasocod dheer oo lug ah kusoo maray qaybo kamid ah shaaracyada waaweyn ee magaalada Boosaaso ee Xarunta ganacsiga Puntland.

Madaxweynaha ayaa sood dheer  kadib waxaa uu  gaarey Hotel Gacayte oo ku yaalla woqooyiga Boosaaso gaar ahaan xaaxiga ama  xeebta Boosaaso, halkaas oo uu kulan  nasasho iyo qaxwayn ah kula qaatay dad isugu jira mas’uuliyiin iyo shacab, kuwaas oo goobta ku sugnaa, maadaama uu Madaxweynuhu soo af-meeray Safarro shaqo oo bilihii ugu dambeeyey uu ku-jirey kuwaas oo xal loogu raadinayey geeddi-socodka doorashooyinka 2016.

Madaxweynaha ayaa intii uu shacabkiisa la-qaxwaynayey waxaa koox-koox  ugu imaanayey shacabkii  goobta ka qaxwaynayey,  kuwaas oo hambalyo iyo salaan sharaf u wadey isla  markaasna ku bogaadinayey go’aankii uu ka qaatay shirkii madasha wadatashiga qaran.

Madaxweynaha ayaa ayaa markii uu soo dhammaystay kulankii nasashada ahaa ee uu la-qadanayey shacabkiisa waxaa uu salaadii Maqrib shacabkiisa kula tukadey  Masaajid ku yaalla Gacayte Hotel.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intaasi ka-dib waxaa uu Hotel Huruuse oo ka-mid ah Hotellada magaalada Boosaaso kula caweeyey qaybo kamid ah  Duubabka iyo hal-doorka Gobolka Bari, kuwaas oo Madaxweynaha ku bogaadiyey sida uu u difaacay aragtida shacabka Puntland ee geeddi-socodka doorashooyinka 2016.

Socdkaan lugta ah ee uu Madaxweynuhu ku dhex lugaynayey magaalada Boosaaso ayaa muujinaya Nabad-geliyada iyo xasiloonida gaamurtey ee ka jirta magaaalada Boosaaso, waxaana uu soo jiidanaysaa kalsoonida shacabka Puntland ku qabi karaan ka- hirgelinta magaalada Boosaaso goobo ganacsi caalami ah oo la tartami kara dunida horumartay.

IMG_1040 IMG_1056 IMG_1066 IMG_1090 IMG_1104 IMG_1121

Comments are closed