|

Gabyaa Gamadiid God Inuu Ku Jiraa Waa Ged Xun

gmdid

Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid

Dawlada Somaliland waxa ay aad ugu faantaa in tahay dawlad dimuqraadiya.Waxaynnu haddaba aad uga dharagsanahay in astaamaha dimuqraadiya ay ka mid tahay uguna  wayn tahay inuu qofku ama shaqsigu  xor u noqdo ra’yigiisa lana tix galiyo hadaanu ra’yigiisu keenahay  afooyoon iyo masiibooyin halis ah. Haddaba waxaynnu aad uga war qabnaa in magalada Hargaysa gaar ahaan saldhiga dhexe ee Hargaysa uu mudooyinkii ugu danbeeyay uu ku jiro abwaan Somaliyeed oo aad u caana aadna u qaaliya waa Abwaan Cabdiwaaxid Gamadiid kaasoo ku xidhan isla markaana xoriyadiisii ku la’ gabay uu ka tiriyey dhacdo ka dhacdey Faransiiska. Waxa haddaba is waydiin leh hadmaynu inagoo soomaaliya noqoney Faranasiiska?. Maxaa iskaga xidhan Somaliland iyo Faransiiska? Waa nacasnimo aad u  wayn iyo dulinimo  aad u xun in shaqadaadu kaa gasho daba-dhilifnimo iyo u shaqayn dad aydaan isku dhaqan iyo diintoona  ahayn.

Siduu Maxamed Axmed Bedel sheegay Abwaan Cabdiwaxid Gamadiid waa gabyaa farshaxana oo isaga iyo maansadiisu ay kala gu’ wayn yihiin. Waa beel daajiye qalanbaawiya oo qiimo ku dhex leh bulshada uu la nool yahay. Waa qunyar socod aan qabwayni ku jirin. Waa xaraf yaqaan xishinta gabayga xaragadu u dheer tahay. Waa aqoonyahan ku foogaadey  hujinta ereyga  iyo hobta maansada.

Abwaan Cabdiwaxid Gamadiid waxa uu runtii ka mid yahay dadka tirada yar ee dhalinyarada ah ee ugu saamaynta wayn ummadda soomaliyeed. Gabayadiisu waa kuwa ugu saamaynta badan ee ilaa hadda intay Soomaalidu jirtey la hayo. Waa dadka tirada yar ee ilaa hadda dhaqankii soomaaliyeed loogu hagaagi karo. Maaha haddaba mid laga maarmi karo balse taa lidkeed waa mid aan daqiiqad laga maarmi Karin.

Runta hadii laga hadlo oo aan lays dhago marin kuwa mudan in la xidh-xidho waa siyaasiyiinta habayn iyo maalinba u fikira burbirinta, dhaca iyo xalaashada xoolaha ummadda.Kuwaasoo waliba habayn kasta Tv-yada iyo idaacadaha kaga faana arrimaha aan kor ku soo xulay.waa raga noocan ah, ganacsada dhiig miiratada ah iyo dadka shuruucda qaran u hogaansami waaya. Maaha  Abwaanada , Culimada iyo weriyaasha ku hawlan ka shaqaynta Horumarinta ummadda , ka shaqaynta diinta iyo suugaanta soomaaliyeed.

Dawladu haka dheeraato duulaanka iyo xidhitaanka ay ku hayso Haldoorka ummadda isla markaana ha ilaaliso xuquuqda shacabka iyadoo tix galinaysa fikirka qof walba.

Ugu danbayntii waxaan ku soo xidhayaa maqaalkan “GABYAA GAMADIID GOD INUU KU JIRAA WAA  GED XUN”.

Qalinkii: Ridwan Musa Ali ( Al–banna)

Hargaysa, Somaliland

E-mail: Ridwan.geedi@hotmail.com

Comments are closed