|

Somaliland: Haya’dda u Qaabilsan La Dagaalanka Musuqmaasuqa Oo Sheegtay Xeerka Loo Ansixiyay Aanay Shaqo Ku Qaban Karin

Hargaysa 30.Jan 2016 (SDN/QJ):- Musuq-maasuqu  waa cudur iyo aafo ragaadiyay horumarka    wadamo badan oo caalamka ah, gaar ahaana dalalka qaaradda Afrika, haddii ay tahay wadamadda horumaray iyo kuwa soo korayaba.

Agaasimaha-Komishanka-Maamul-wanaagaWaxaana loo nisbeeyaa sababta  inta badan  badan dib-u-socodka ka dhigtay dawladaha Afrika in uu kow ka yahay musuqmaasuqa iyo maamul-xumadda, kaasi oo saameeya  dhinacyadda  dhaqaalaha, horumarka   iyo nolosha bulshaddaba.

28-kii bishii August ee sannadkii 2011-kii, muddo yar uun ka dib markii uu talladda dalka la wareegay ayaa madaxweynaha jmahuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu digreeto madaxweyne ku aasaasay  komishanka maamul-wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa. Isagoo  ka duulayay ahmiyadda ay leedahay in la  abuurro hab-dhaqan maamul oo wanaagsan, dawlad iyo ummad ka nadiif ah dhammaanba noocyadda musuqmaasuqa.  taasi oo ka dhalatayay dareen ah inuu Somaliland ka jirro musuqmaasuq iyo maamul-xumo is-biirsaday.

Hay’adaasi oo hadda jirtay muddo shan sanno iyo dheeraad ah, weli kuma ay guulaysan inay hoos u dhigto ama si buuxda wax uga qabato waajibaadkeeda la xidhaadha suulinta musuqa iyo wax ka qabashada musuqmaasuqa, iyadoo  ay jiraan caqabaddo  dabarka ku noqday in komishankaasi uu sidii loogu tallo galay u shaqeeyo, isla markaana ay fuliso waajibaadkii loo abuuray, kuwaasi oo ay ka mid yihiin xeerka komishankaasi  oo noqday mid fadhiid ah oo aan awoodii loo baahnaa siinaynin  iyo bulshadda oo aan u bislaan nidaamka dawladnimadda, wadaniyadda iyo horumarinta danta guud.

 

Sidaasina waxaa sheegay  Agaasimaha guud ee Komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa  ee Somaliland  Maxamed Sheekh Cumar Xasan, oo Khamiistii todobaadkii hore xafiiskiisa uga waramay wargeyska DAWAN.

 

Maxamed Sheekh Cumar Xasan, oo   ugu horayn ka warbixinayay wakhtigii komishinka la dagaalanka musumaasuqa la aasaasay iyo dhibaatadda uu guud ahaanba caalamka ku hayo musuqmaasuqu, waxa uu yidhi  “Komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka, waxaa la aasaasay sanadkii 2010kii, waxaanu la kowsaday xukuumadan uu hogaamiyo madaxweyne AXmed Maxamed Siilaanyo, aasaaskii Komishankani waxa uu ka dhashay dareen run ah oo jiray, kaasi oo ah guud ahaan bulshadeenu waa dad islaam ah, waxaanay aaminsan yihiin musuqmaasuqu inuu yahay wax xaaraan ah.

Waxaynu aaminsanahay musuqmaasuqu inuu yahay waxa ragaadiya ummad horumarkeedda, dhinaca dhaqaalaha, dhinaca arrimaha bulshadda, dhinaca xadaaradda iyo ilbaxnimada intaba wuu baabiiyaa. Waxa ugu badan ee maanta caalamka laga cabanayaa, ee meel walba ka jira, xataa dawqladaha horumaray, iy kuwa soo korayaaba, waxa loo yaqaano musuqmaasq. Ha lagu kala horeeyo, laakiin waxaa jirta in qaarada Afrika gaar ahaan in loo nisbeeyo waxa baabiiyey, ee horuamrka u diiday, iyadoo hodan ka ah dhinaca walba, oo kaabeyaasha dhaqaale iyo khayraadka wadamada uu buuxo, hadana sabata ay qaarada Afrika uga danbayso, qaaradaha kale, waxaa lagu sheegaa inuu yahay musuqmaasuqa iyo maamul xumo. waxaynu nahay dal yar oo ku yaalla qaaraddfa Afrika, gaar ahaan geeska Afrika, oo ka goay dal ay hore uga mid ahayd dedaal badan iyo horumarna sameeyay isagoon la aqoon sanayn dadkeennu waxay aaminsan yihin in musuqmaasuqu yahay shayga xun ee Afrika dib u dhigay”.

 

Agaasimaha komishanka maamul-wanaaga, waxa kale oo uu sharaxaad ka bixiyay  waxyaabaha caqabadda ku noqday komishanku uu sidii la rabay u shaqeeyo.  “Markii uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland magacaabay komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa,  wixii ugu  horeeyay ee ay bilaabeen waxa uu ahaa, inay helaan xeerkii sharci ee ay ku shaqayn  lahaayeen.  Markii  xeerkaasi oo ka koobnaa 54-qodob  loo gudbiyay goleyaasha baarlamaanka,     aakhrikii waxay noqotay 20 qodob in laga soo reebay oo ay goleyaashu ansixiyeen.

20-ka  qodob ee la ansixiyay, waxay yihiin kuwo aan siinaynin komishanka awoodii loo baahnaa ee wax lagaga qaban lahaa musuqmaasuqa, iyo maamul xumadda, ee  lagu samayn lahaa awood lagu saxo,  ma siinayaan komishnaka 20-ka  qodob ee la ansixiyay. Taasina waa caqabada ugu weyn iyo dabarka hortaagan in Komishankani u shaqeyo sidii loogu tallo-galay.

Qodobka labaad ee ka midka ahaa caqabadaha hor-taagnaa hay’adani waxaa ka mid ah, xeerka  Komishanka oo  tilmaamayay  shan xubnood inay ka koobnaadaan komishanka maamul-wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, in  laba ka mid ahaa  ay shaqaynayeen, oo saddexdii kale aanay  jirin. Qodobka kale wuxuu yahay, dadkeenna in badan oo ka mid ahi  in  aanay u bislayn dawladnimadda, wadaniyadda iyo jacaylka dawladnimadda, aduunkana dalba dalka ay dadkiisu ka muwaadinsan yihiin ayuu horumarka uga dheereeyaa”ayuu yidhi agaasimaha hay’adda maamulwanaaga.

 

Isagoo hadalkiisa sii watayna, waxa uu yidhi “Markaa wadaniyadda waxaad moodaa dadkeennu in aanay u bislaan, in maslaxadda ummadda iyo ta gaarka ah iyo ta guudba ay ku jirto inay horumariyaan danta guud, oo qof waliba iska dhex arki karro, oo uu ka heli karro wixii maslaxadiisa ah.

Waxaana jirta dantii guud in badan oo dadkeenna ka mid ahi inay  ka horumariyaan dantoodda gaarka ah, iyadoo  ay u maraan dariiqyo aan wanaagsanayn, iaydoo la adeegsanayo qabiil, si qofka danaysta ahi ku ugaadho dantiisa gaarka ah, hawlahaas oo dhan madaxweynaha iyo xukuumada maanta jirtaa dedaal badan ayay ka sameeyeen inay ka hortaagaan, dedaalkii iyo siyaasadii dawladnimo ee loo dejiyay ayuu komishankani fulinayaa”.

 

Dhinaca kale agaasimaha guud ee komishanka maamul-wanaaga, ayaa carabka ku dhuftay   in goleyaasha shaci dejitna laftoodu ay ogaadeen in aanay 20 qodob ee uu ka kooban yahay xeerka Komishanku awoodii loo baahnaa siinaynin hay’adda,    sidaas darted-na ay isla qaateen gudi hoosaadka ilaalinta iyo dabagalka hatidda qaranka ee golaha Wakiilada in dib u eegis iyo kaabis lagu sameeyo xeerka hay’adda maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.

waxaanu yidhi “Waxaanu doonaynaa in dib u eegis, kaabis iyo wax ka bedel lagu sameeyo xeerkii komishanka.  Anagoo  kaashanaynaa hay’adaha gar-soorka iyo gudi hoosaadka ilaalintaiyo daagalka hantidda qaranka ee golaha Wakiiladda,  iyadoo ay nala qateen gudidaasi inay muhiimad weyn qaranka   u leedahay hay’adda maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in shuruucda ay ku shaqaynaysaa ay noqdaan kuwo awood buuxda siinaya”.

 

Waxa  kale oo  uu sheegay    Maxamed Sheekh Cumar  in mudadda uu  jiray Komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa  in uu ku talaabsaday waxyaabo badan oo dhinaca horumarka ah  sida kormeero ay ku soo mareen goboladda dalka, cilmi baadhis lagu ogaanaay heerka uu gaadhsiisan yahay  musuqmaasuqa ka dhex jira   hay’adaha dawladda. waxaanu tilmaamay in kadib markii ay sameeyeen cilmi-baadhis iyo kormeero qiimayntaasi  inay u soo baxday dariiqo kale oo ahayd sidii wax looga qaban lahaa maamul-xumadda iyo musuqmaasuqa jira.

 

Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Kadib markii waxyaabo badan la soo ogaaday, ee gobollo badan kormeer lagu sameeyay, waxaa soo baxday in la sameeyo qaabkii lagaga hortegi lahaa musuqmaasuqa iyo maamul-xumadda dalka ka jirta,  waxaana koow ka ahayd  wacyigelin in la sameeyo, iyadoo wacyigelintaasina la sameeyay.   Culimadda   masaajiddada waaweyn ee dalka ka hawlgala kulamo lala yeeshay , iyadoo  wacyigelintaasi loo fuliyay hab siminaaro ah  ama kulamo ah. Ta labaad waxay ahayd   Fanaaniinta qaranka iyo abwaaniinta oo uu komishanku  kulamo la yeeshay, wacyigelin badan iyo  hal-ku-dhigyo badan ayaana la sameeyay.”

Comments are closed