Sheekh Aadan Sunne Oo Ka Hadlay Sanam Uu Sheegay In Magaalada Hargeysa Laga Dhex Taagay iyo Rukuucdii Madaxweynaha Soomaaiya
Hargeysa,30jan,2016(QJ/SDN) –Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame [Aadan Sunne] oo ka mid ah culimada waaweyn ee magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay sanam laga dhex taagay magaalada Hargeysa, kaas oo ah macatabka ay masiixiyiintu caabuddo.
Sheekh Aadan Sunne, ayaa sheegay in sanamkaasi laga taagay meel u dhow warshaddii hore ee caanaha magaalada Hargeysa.
Sheekha oo maanta khudbadiii jimcaha kaga hadlay arrintani ayaa dadkii jamaca ahaa ee kasoo qayb-galay salaadda tusay sawirka Sanamka uu sheegay in laga dhex taagay magaalada Hargeysa, isagoona ummadda usoo jeediyay in ay diintooda ilaashadaan maadaama duulimaad lagu yahay diinta islaamka.
Dhanka kale, Sheekh Aadan Sunne ayaa ka hadlay Rukuucdii ama Sujuudii madaxweynaha Soomaaliya ee bakhtigii ciidamada kenya, isagoona sheekhu Madaxweynaha Soomaaliya usoo jeediyay in faraha uu kala baxo waxa uu ku jiro ee diin la’aanta ah.