Magaalada Beledweyn Iyo Haweenay Loo Xidhay Markii Lagu Eedeeyay Inay Sumaysay Ninkeedii
Beledweyne 01.Dec 2015 (SDN/QJ):- Ciidanka booliska degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa xabsiga u taxaabay haweeney lagu eedeeyay inay sumeysay ninkeedii, kaas oo u dhintay sunta.
Taliyaha saldhigga galbeed ee Beledweyne, Cabdiqaadir Maxamed Axmed, ayaa warbaahinta u sheegay in haweeneyda ay seygeeda siisay caano sumeysan.
Wararka ayaa sheegaya in haweeneyda ay dhowr jeer oo hore ka dalbatay odaygeeda furriin ka dib muran dhinaca guriga ah. Maruxuumka ayaa ku gacan seydhay inuu furo xaaskiisa.
Dhacdada oo habeen hore ka dhacday magaalada ayaa argagax galisay dad badan oo ka tirsan deegaanka.