Madaxtooyadda Somalia oo Loo Tuhmayo ka qayb ahaanshaha Dirirta ka Oogan Magaaladda Gaal-kacayo
Gaal-kacyo 28.Nov 2015 (SDN/QJ):-Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xusseen Guulleed, ayaa raysul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Ku qoonsatay inuu Muqdisho iskaga noqday isagoo aan xal u helin dagaalka markii labaad maanta ka qarxay Gaal-kacyo ee u dhaxeeya Gal-mudug iyo Puntland.
”Runtii dib ugu noqoshada magaalada Muqdisho ee ra’iisal wasaare Cumar Cabdirashiid isaga oo aan xal u helin xiisada ka taagan magaalada Gaalkacyo aad baan uga xun nahay, waxaana leeyahay wax uun baa jira oo ku kalifay ra’iisal wasaaraha in uu dib ugu laabto magaalada Muqdisho,” ayuu yidhi madaxweynaha Galmudug oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaaladda Cadaado.
Madaxweynaha Galmudug waxa uu dagaalkii saaka ku eedeeyay inuu masuuliyadiisa uu lahaa dhigiisa Puntland, waxase uu isku lammaaneeyay weerarka uu Cabdi-weli Gaas dusha ka saaray iyo Raysal wasaaraha Soomaaliya oo deg deg ugu laabtay Muqdisho, waxaanu yidhi ”Gulufka colaadeed oo ay saaka soo qaadeen ciidammada Puntland iyo dib u noqoshada ra’iisal wasaare waa arrimo runtii shaki abuuri kara, waxaa muuqata in aan raali laga aheyn in colaadda degmada Gaalkacyo la dhammeeyo, waxaana arrimahaan oo dhan ka dambeeya madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo qeyb ka ah colaada taagan.”
Dhinaca kale, wasiirka amniga maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur (Taar-dhulleed) oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntland C/wali Gaas in uu iska hortaagay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya in uu tago magaalada Gaalkacyo.
“C/wali Gaas ayaa iska hortaagay ra’iisal wasaare Sharma’arke inuu yimaado Gaalkacyo idhihiisana ku arko waxa jira, waxaana muuqata in colaada Gaalkacyo ka jirta raali ka aheyn madaxweynaha Puntland in la dhammeeyo” ayuu eediisa ku xoojiyay Wasiir Taar-dhuleed.
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo ka soo jeeda Maamul goboleedka Puntland ayaa dabo-yaaqadii toddobaadkii hore isku dayay inuu dejiyo xiisadda ka oogan Gaal-kacyo oo u dhaxaysa maamul goboleedyadda Puntland iyo Galmudug, waxaanu labada madaxweyne goboleed kula kala kulmay Garoowe iyo Cadaado. Waxaanu isla maanta dib ugu laabtay Muqdisho iyadoo maamulka Gal-mudug ay ka naawilayeen in Gaalkacyo uu booqan doono.
Jawaab Celinta Puntland
Geesta kalena, Maamul-goboleedka Puntland, ayaa gaashaanka ku dhufatay eedaha loo jeediyay ee la xidhiidhay inay dagaalka iyagu bilaabeen, waxase ay sheegeen in iyaga la soo weeraray isla markaana la carqaladeeyay socdaal nabadeed oo uu raysal wasaaraha Soomaaliya ku tagi lahaa Gaalkacyo. sidaasna waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyadda Puntland.