Gudoomiyaha Gudidda Dhismaha Waddada Wad ee Sallaxley iyo Hargaysa oo Si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Seattle ee Maraykanka & Ujeedada Socdaalkiisa
Seattle 29.Nov 2015 (SDN/QJ):-Waxa Madaarka Sea-Tac International Airport Ee Magaalada Seattle Ee Gobolka Washington State si weyn loogu soo dhaweeyay Gudoomiyaha Gudida Mashruuca Wadada Cad ee isku xidha Hargeysa, Sallaxley Iyo Ina Guuxaa Md Cali Ibraahin Muxumed (Cali Sanyare) oo kasoo kicitimay magaalo madaxda dalka Maraykanka Ee Washington DC oo uu in muddo ahba ku sugnaa.
Dad aad u tiro badan oo ka tirsan Jaalliyada Somaliland ayaa si aad u heer sareysa ku qaabilay Gudoomiyaha, dareenkoodana ku cabiray sida ay ugu faraxsan yihiin booqashada uu Gudoomiye Cali Sanyare ku soo gaadhay dalka Maraykanka. Gudoomiye Cali Sanyare iyo Ooridiisa ayaa iyaguna ka mahad celiyay soo dhaweynta balaadhan ee lagu qaabilay.
Waftiga Gudoomiyaha ayaa loo galbiyay Radisson Hotel, Waxaana lagu wadaa in maalinta oo Axada uu Gudoomiyuhu la hadlo bulshada Reer Somaliland.
Waxa soo dhawayntaa isaguna si weyn uga dhax muuqday Mudane Khadar Ismaaciil Cilmi, waxaanu sheegay in booqashada Gudoomiyaha Gudida Mashruuca Wadada Cad uu ku yimid dalka Maraykanku ay wax weyn ka tarayso sidii loo soo xarayn lahaa, loona soo guri lahaa lacagta ku baxaysa wajiga saddexaad ee dhismaha Wadada Cad ee Qool-Caday, Sallaxley Iyo Ina Guuxaa, oo ah inta dhiman Wadadaas
Sidoo kale wuxuu gudoomiyuhu xusay in xaflada maanta dhici doonta ay noqon doonto mid dhaqaale loogu gurayo wadada oo Fundraising loogu samaynayo Hadii Alle Idmo.