|

Sirdoonka Wadanka Ingiriiska oo Shaaciyey in Shaqsiyaad Dil ka geystay dalkooda u soo baxsadeen Somaliland

Sheffield,29.Nov 2015 (SDN/QJ):- Ciidammada Sirdoonka Ingiriiska, ayaa sheegay in afar qof oo loo haysto dil haatan la sheegay inay ku nool yihiin Somaliland, xilli Xabsi dheer lagu xukumay Nin kale oo ku eedeysnaa dembiga dilka.

Booliiska waddanka Ingiriiska, ayaa sheegay inuu weli socdo baadhitaanka dil ka dhacay sannadkii hore, inkastoo Maxkamadda Sheffield ku xukuntay Xabsi-daa’in Nin magaciisa lagu sheegay Jamac Axmed, kaalinta uu ku lahaa dilkaa awgii.

Garsoore Justice Green, ayaa sheegay in Jaamac Axmed la socday Gaadhiga, wakhti Saaxiibbadiisa baxsadka ahi fulinayeen dilka. Garsoore Justice Green, waxa uu yidhi; “Ma xaqiijin karo inaad ahayd Ninka dilka geystay iyo inkale, taana kuguma xukumayo. Laakiin, waxa muuqata inaad qeyb ka ahayd oo la socotay Gaadhigii loo adeegsaday dilka.” Waxa uu Garyaqaan Justice Green, intaas ku daray; “Dhammaan Saaxiibbada way ka baxsadeen dalka si ay sharciga uga dhuuntaan.”

Wararka dilka, ayaa sheegaya in afar shaqsi oo ka tirsan Budhcad Soomaali ah oo ka dambeeyey dilka ka baxsadeen Ingiriiska, balse wararka laga helayo Sirdoonka Booliiska Brtitain, ayaa sheegay in Nimankaasi u socdaaleen Somaliland bishii May ee sannadkan 2015-ka.

Mr. Phil Etheridge, oo hoggaaminayey Kooxda baadhaysa dilkan, ayaa sheegay in baadhitaannadii weli socdaan, waxaanu yidhi; “Dhab ahaan dad kale ayaa jira oo Masuul ka ahaa dilka Jordan, waanan wadnaa sidii aannu sharciga u horkeeni lahayn.”  Waxaanu intaas ku sii ladhay; “Waxaan wadnaa qorshihii aannu dadkaa dib ugu soo celin lahayn awooddeenna Maxkamadeyn, waxaan ka codsanayaa cid kasta oo macluumaad ka haysa inay la soo wadaagaan Booliiska.”

Warkan ayaan lagu sheegin in Xukuumadda Ingiriisku wax xidhiidh ah kala soo yeelatay Xukuumadda Somaliland arrinka la xidhiidha nimankan eedaha dilka loo haysto ee la sheegay inay u soo baxsadeen dalka.

Geesta kale, Wargeyska Himilo oo isku deyey inuu wax ka weydiiyo Madaxda Hay’adaha Ammaanka Booliiska iyo Sirdoonka Somaliland, ayaanay noo suurtoobin inaannu wax War ah ka helno dhinacooda, ka dib markii ay qaban waayeen Taleefannadooda gacanta.

Comments are closed