|

Ururrada Xuquuqda Aadamaha Somaliland iyo Soomaaliya oo hore kulan qarsoodi ah Hargeysa ugu yeeshay iyo muhiimadda ujeeddada ka dambaysa

Hargeysa, 29.Nov 2015 (SDN/QJ):- Ururrada Xaquuqda Aadamaha Somaliland badankooda, ayaa la sheegay inay Muqdisho u tegayaan Shirweyne ujeedkiisu yahay in dib loo qaato Midnimadii Soomaaliweyn, sida ay Wargeyska Himilo oo aanu Warkan ka soo Xiganay ay  u xaqiijiyeen ila-wareedyo xog-ogaal u ah dhaqdhaqaaqyada Ururrada Xuquuqda Aadamu doonayaan inay Xamar ugu baxaan maalmaha soo socda.

 

Hay’adda EHAHRD, ayaa ku qabanaysa magaalada Muqdishu kulan ay ka qaybgalayaan Ururro Bulshada rayidka ah ka socda oo isaga imanaya dhulkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ay ka mid tahay Somaliland, isla markaana la qabanayo 6-da illaa 8-da December, ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee abid ay isugu yimaaddaan si midnimo ah Ururrada Somaliland iyo kuwa Soomaaliya oo ku kulmaya Xamar, ujeeddadiisuna tahay is-dhexgalka iyo midaynta Bulshada Soomaaliya iyo Somaliland.

 

Kulankani wuxuu daba socdaa kulan hadda ka hor si qarsoodi ah loogu qabtay Hargeysa sannadkan oo lagu sameeyey Dallad Midaysa Ururrada Somaliland iyo Soomaaliya, oo soddon Urur oo labada dhinac ka kala socdaa ku yeesheen isla Hargeysa.

 

Shirkan ayaa Dhabar-jab wayn ku ah qaddiyadda Somaliland, waxaanu caddayn u yahay waddada cusub ee la qaaday hadda oo ah in la xoojiyo is dhexgalka Bulsho iyo in Xasan Shire nin la yidhaahdo oo hawshan aad ugu mashquulsani ku dhex milmay Siyaasadda Soomaalida ee qasan.

 

Qoraallada iyo Casuumadda uu Ururka EHAHRD oo Saldhiggiisu yahay Kampala uu u soo diray Ururrada Somaliland iyo Soomaaliya oo aannu aragnay, ayaa sheegay in EHAHRD ay doonayso inay is dhexgeliso Xubneheeda Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa qoraalka qayb ka mid ahi waxay u qoran tahay sidan:-

 

“In la abuuro iskaashi cusub iyo dedaal wada-jir ah si kor loogu qaado wada-shaqaynta iyo xoogga codka Bulshada rayidka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland-ba. In yoolka kulanku yahay si uu u siiyo fagare dadka Soomaaliyeed ee u dooda Xuquuqda Aadamaha si loo dhiso awoodda ay u leeyihin inay isticmaalaan oo ay dhexgalaan hababka Xuquuqda Aadamaha ee heer gobol iyo caalami, u abuuro Shabakad iyo inay wadaagaan khibrado iyo xogo ku saabsan dhaqannada wanaagsan.”

 

Falkan ayaa ah mid Siyaasadeed oo Ururrada Bulshada rayidka ah faraha loogu gelinayo Siyaasadda iyo kala-qaybsanaanta Siyaasadeed oo ay markii hore ka Madax-bannaanayeen. Sidoo kale, Wargeyska Himilo oo isku deyey inuu wax ka weydiiyo Madaxda Ururrada Xuquuqda Aadama Somaliland ayaanay u suurtoobin, ka dib markii la waayey jiritaanka xarun kulmisa oo loogu hagaago, isla markaana yihiin magacyada Ururro aanay aasaasayaashoodu ka badnayn hal Shaqsi.

 

Dhinaca kale, Wasiirka Qorsheynta Qaranka Somaliland Cali Salaan Jirde oo Wargeyska Himilo isku deyey inuu wax ka weydiiyo, siday ula socdaan kulanka la sheegayo in Ururro Somaliland ah kaga qeybgelayaan Shir ka dhacaya Soomaaliya, iyo Siyaasadda Wasaaraddiisa ee la xidhiidha arrinka ayaanay noo suurtoobin inaan jawaab ka helno, ka dib markii laga jawaabi waayey Taleefankiisa gacanta, balse waxa la eegi doonaa mawqifka ay Xukuumadda Somaliland ka qaadato arrinkan oo saamayn togan ku yeelan doona qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland.

Comments are closed