|

Qaar Ka Mida Isbahaysiga Isbadal Doonka KULMIYE oo Kulan la Yeeshay Bulshada Burco DAAWO

Burco 29.Nov 2015 (SDN/QJ):- Siyaasiyiinta Is-bahaysiga KULMIYE ee ku sugan Magaalada Burco ayaa xalay kulan ballaadhan la qaatay Waxgaradka, Aqoonyahanka iyo Cuqaasha Gobolka Togdheer oo isu dhan.
vlcsnap-6359-10-04-21h06m57s031Kulankan oo ka qabsoomay Huteelka City Plaza, waxaa ka muuqatay midnimo dhammaan Rer Togdheer iyo Burco ay markii kobaad sidaas u muujiyaan, iyagoo shirarki ka horeeyay midkan ay dhici jirtay in qaybo kamid ah dadka dega Gobolka Togdheer ka maqnaan jireen.
Cuqaal tiro badan ayaa ka hadashay kulankaas, waxayna ku nuux nuux sadeen inay waligood illahay ka baryi jireen midnimada Gobolka Togdheer, maanta ay ku farax sanyihin inay intaas oo labeentii Gobolka ahi inay isu yimadaan iskana xog waraystaan ayaa mustaqbaleed ee Gobolkooda. Geesta kale Siyaasiyiinta Is-bahaysiga ka KULMIYE oo kala aha Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaji Xasan, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE Xildhibaan Maxamed Xaji Yuusuf Waabeeyo iyo Wasiirkii hore ee Shaqada iyo arrimaha bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir ayaa khudbado xogwaran talawadaag iyo is waraysi aha u jeediyay.
Dadka kulankan soo camiray oo kor u dhafaayay 500 oo Ruux, ayaa ahaa kuwo xul ah oo samayn ballaadhan kuleh Gobolka Togdheer, arrinta xiisaha leh ayaa ah in aanay intan oo dhami hore ula shiran Xisbiyada Siyaasiga.

Comments are closed