|

Madaxtooyadda, Dalabka Muuse Biixi Ee Gole Cusub Iyo Qorshaha Isku Shaandhaynta Xukuumadda

Hargaysa 28.Nov 2015 (SDN/QJ):- Iyadoo aanuu waqti badani ka soo wareegin shirkii Maansoor ee loogu cumaamaday murashixiinta Muuse Biixi iyo Saylici ayaa waxa durba soo baxaya xoggo sheegaya, in madaxtooyadu ku hawlan tahay isku shaandhayn balaadhan oo xil ka qaadis iyo isku bedelba leh, taasoo la saadaalinayo inay galaafan doonto xubno badan oo haatan golaha ka mid ah.

MadaxtooyaddaMa jiraan warar madax banaan oo arrinta la xidhiidha oo ka soo baxay dhanka madaxtooyadu, hase ahaatee siday Ogaal u sheegeen illo kala duwan oo ku dhawdhaw madaxtooyadu, waxa la sheegayaa in madaxtooyadu ku mashquulsantay wax ka bedel balaadhan oo ay ku samaynayso wejiga golaha xukuumadda ee hadda, isla markaana waxay intaa ku dareen in Gudoomiye Muuse Biixi  cadaadis wayn ku hayo madaxtooyadda, marar bandanna uu dalbaday in wax laga bedelo golaha xukuumadda, oo la soo dhiso xukuumad taabacsan oo dhista.

Illahaasi waxay intaa ku dareen, in aanay kala caddayn  in gebi ahaanba meesha laga saari doono xubnaha golaha wasiiradda ee uu u arko gudoomiye Muuse Biixi in aanay la shaqaynaynin. Warar hore shabakadaha qaarkood u faafiyeenna waxay sheegeen in Muuse Biixi ku guuldaraystay  soo jeedintii u horaysay oo uu ku dalbaday wasiirka Maaliyadda in laga bedelo Marwo Samsam, balse ma jiraan xaqiiqooyin arrintaa ka markhaati furay oo ka soo baxay dhinacyada ay khusayso.

Dhanka kalena xoggaha saadaalinaya isku shaandhaynta ee soo gaadhay Ogaal ayaa qaarkood tibaaxayaan in meesha laga saari doono xubno badan oo ku sii hadhay golaha oo la bah ahaa kooxda isbahaysiga ee ka baxday xukuumadda, isla markaana lagu bedelo doono qaar u daacad ah murashixiinta Kulmiye, halka xogaha qaarna ka tibaaxeen in aan wax badan laga bedeli doonin goluhu siduu hadda yahay.

Hase yeeshee hadal hayntani waxay ku soo beegmaysaa xilli loo arko in aanay si buuxda uga soo kaban kufidii siyaasadeed ee la kulantay kadib markii ay mar keliya dhawr iyo toban xubnood iska casileen, kuwaasoo ka cadhooday qaabkii loo maamulay arrimihii xisbiga.

Dhanka kale ergay gaar ah oo la sheegay inuu ka socday dalka Turkiga ayaa shabakadaha wararka qaar faafiyeen inuu u gudbiyay madaxweyne Siilaanyo qoraal uu ka siday dawladiisa, taasoo la sheegay inay si wayn uga cadhootay hadalkii xukuumadda ka soo yeedhay ee ahaa in Turkigu wado falal lid ku ah wadajirka umadda, isla markaana uu la kulmay salaadiin ay doonayaan inay ka qayb galaan wadahadalka somaliya iyo Somaliland, taasoo uu hore u beeniyay.

Comments are closed