Mudug mise Nus-Mudug? Qormo faaleed Yuusuf Garaad Cumar
London 16.July 2015 (SDN/QJ)- Siyaasiga Yuusuf Garaad Cumar ayaa Qoraal uu ku faafiyay Shabakad uu ku leeyahay baraha xidhiidhka bulshada waxa uu ku iftiimiyay Ismaandhaafka ka dhex jira Pun land, Gal Mudug iyo Dawlada federaaka Somalia,Waxaanay Faaladiisu u dhignayd Sidan:-
Alif wax ma leh iyo wax buu leeyahay sax ma wada noqon karaan. GalMudug waxay ka kooban tahay Mudug iyo Galguduud ama Dowlad Goboleed ma aha.
Haddii sida magaceeda ka muuqata ay tahay Mudug iyo Galguduud, Puntland ayaa loo qarinayaa in la doonayo in Mudug oo dhan laga xukumi doono Dhuusa Marreeb, taas oo xaaladda maanta taagan aan u maleynayo in aanay suurta gal ahayn.
Haddii kale, waa magac lagu sasabayo dadka deggan Gobollada Dhexe, oo waxaa loo caleemo saarayaa Dowlad Goboleed ka kooban Gobol iyo bar oo markaa aan buuxineyn shuruudaha Dastuurka ku qoran.
Dowladda Federaalku waxay ku gabbatay Guddiga Soohdimaha in loo daayo oo isagu go’aan ka gaaro muranka Mudug ka taagan.
Waxa aan ka fekeray talooyinka aan is leeyahay Guddigu wey ka fekeri karaan si xal loo gaaro.
Guddigu wuxuu ku talo bixin karaa ayaan is iri in:
1) Mudug oo wada jirta la raaciyo Puntland.
2) Mudug oo wada jirta la raaciyo GalMudug.
3) Mudug laga dhigo laba Gobol oo midba dhinac raaco.
4) Mudug oo hal Gobol ah, sida qabiilka ku saleysan ee uu hadda u qeybsan yahay loo daayo, oo Galguduud iyo NusMudug maaddaama aanay noqon karin Dowlad Goboleed lagu daro maamulka hadda loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.
5) Dastuurka la beddelo oo laga dhigo Gobol iyo ka badan in ay noqon karaan Dowlad Goboleed.
6) Dastuurka la beddelo oo laga noqdo nidaamka Federaalka gebigiisba.
Qodobbada kor ku xusan, waan jeclaan lahaa in aad ila wadaagto midka aad doorbidi lahayd. Sidaas oo kale, xal aan intaas ka mid ahayn haddii aad igu biirin kartana fadlan qeybta ra’yiga ku soo bandhig.
Wax kasta oo ay noqotaba, reer Mudug iyo siyaasiyiinta Federaakaba waxaa la gudboon in ay ahmiyadda koowaad siiyaan nabadgelyada. Xalka la doonayaa ha ahaado wax si nabadgelyo ah lagu aqbali karo.
Nabadda maanta taalla Gaalkacyo waxaa u sabab ah madax ay horsed u ahaayeen Cabdullaahi Yusuf Axmed iyo Maxamed Faarax Caydiid oo laba ciidan oo dagaalay isu keenay, magaalada wada dejiyay, kana yeelay in ay wadajir u ilaashadaan amnigeeda. Labadaas mas’uul waxaan wakiilladooda dood ugu qabtay magaalada Gaalkacyo gudaheeda sannadkii 1996. Waxaan si wanaagsan u xusuustaa in iyaga oo hadalka isku maagaya, mid walibana uu isagu sheeganayo in nabaddu ay ku timid dulqaadkiisa in haddana la is oggolaa oo la is qaddarinayay. Tan ugu muhiimsanina ay ahayd in la aqbalsanaa in la wada noolaado.
Degmooyinka kale ee Gobolka Mudug ma aha kuwo la wada deggan yahay ama hadda muran la gelin karo dhanka ay ku kalsoon yihiin in ay ka tirsanaadaan oo Dowlad Goboleed ay la wadaagaan.
Waxaan u haystaa in 2015 qofka isku daya in uu magaalo Soomaaliyeed xoog ku qabsado ee ku xukumo uu yahay Ma-Gudbe aan wax ka baran casharrada qaraar ee uu noo dhigay macallinkeenna magaciisa la yiraahdo Dagaalka Sokeeye. Casharradaas wuxuu Macallinku noogu dhigay fasalkeenna oo ah dalkeenna.