Wada Xaajoodyadii Puntland iyo Dawlada Federaalka oo Guul daro ku dhamaaday iyo arimaha la isku mari waayay
Garowe 16.July 2015 (SDN/QJ)- Wadahadalkii magaalada Garowe uga socdey dowlada federaalka, Puntland iyo Jubaland ayaa guuldaro kusoo dhamaadey kadib markii qodobadii Ra’isal wasaare Cumar Cabdirashiid la diidey.
Kulankii shalay oo dib la isugu soo noqdey ayaa guddiyadii ka socdey maamulka Puntland, Jubaland iyo Federaalka waxaa mid walba ku adkeysay qodobada ay soo bandhigeen.
Waftiga Ra’isal waasraha ayaa soo bandhigey in dowlada Puntland aqoonsato maamulka Gamudug oo ka koobnaan doona hal gobol iyo Bar halka ay wax ka badali doonaan Dastuurkooda oo sheeganaya degaano ka tirsan Puntland.
Dowlada Puntland ayaa dhinaceeda sheegtey ineysan sharciga waafaqsaneyn in hal gobol iyo bar loo aqoonsado maamul goboleed taasna macnaheeda noqneyso in Dastuurka federaalka gabi aantiisa meesha laga saaro.
Wararka ayaa sheegaya in waftiga Ra’isal waasaraha maalinta berri ah dib ugu noqonayaan magaalada Muqdisho iyagoo wada fariinta dowlada Puntland taasoo ku adkeysatey in Dastuurka Federaalka uu noqdo halka salka u noqn karta wadahadal la furma.