|

Taariikhda Islaamka:boqorkii 11aad ee Boqoradii Umawiyiinta: W/Q: Khaalid Foodhaadhi

11692608_1599373853646408_7054442209665306289_nTaariikhda Islaamka:boqorkii 11aad ee Boqoradii Umawiyiinta : Waxa la odhan jiray waliid binu yasiid,  waxa lagu naanaysi jiray abul cabaas  waxa uu xulunka hayay  sanad iyo labo bilood  hooyadii waxa la odhan jiray uma bintu maxamed, xukunka waxa uu qabtay dhimashadii adeerkii waxa lagu xasuusta  in uu baneeyay waxkastoo xaarama waxa uu ku dhaqmay waxyaabo bidco ah waxaa lasheegaa in uu khamro ku cabay kacbada dusheeda waxa uu baneestay guurka islaamihii aabihiii qabijiray waxa lashegaayo kale in uuu kitaabka qursanka ah gubay walciyaadu billaaah  laakiin khilaafadiisu ma waarin waana la dilay hadaba see lagu dilay waliid binu yasiid?

waxa la sheegaa amiirkii waynaa khaalid binu cabdullaahi qasri oo waali kasoo noqday ciraaq iyo dhulka barakaysan ee makka xilayadii hishab iyo waliid binu cabdilmalik  in uu u yimid si ugu naseexeeyo, laakiin waliid waa uu qabtay aadna waa uu u cadaabay ilaa uu akhirkii geeriyooday, wiilkiis ayaa soo abaabul xoog ay xata ku jirto rer banii umata dad ah waxa nala dilay waxana xukunka loodortay ina adeerkiis yasiid binu waliid waxa uu xukunkiis bilawday bishi rabiicul awal sanadkii 125 ilaa jamadul awal sanadkii 126.waxa uu kudhintay lagu dilay dimishiq da’diisuna waxay ahayd 38sano.

Boqorkii 12aad ee Umawiyiinta: waxa uu ahaa  yasiid binu waliid binu cabdilmalik waxa uu xukunka qabtay markii ladilay ina adeerkii yasiid binu cabdilmalik sanadkii 126H waxayna xilaafadiisu ahayd 6 bilood waxa loo bixiyay yasiid al naaqis sababta loogu baxshay waxay ahayd waxa uu umawiyiinta u diiday lacagtii ay baytulmaalka ummada ka qaadan jireen waxa uu rabay in uu soo celiyo sidii uu sameeyay cumar binu Cabdicasiiz  waxa la sheegaa in uu ahaa qofki ugu horeeyay oo hub soo qaata maalin ciida, khilaafadiisii ma waarin waxa uuna dhintay todobadii dilxija sanadkii 126 hijriyada…….

Boqokii  13aad ee Umawiyiinta: waxa la odhan jiray ibrahim binu walid waxa uuna xukunka qabtay markii walaalkii dhintay  khilaafadiisu ma waarin waxa labaayactamay reer dimishiq waxaana diiday xukunkiisa oo mucaaraday marwaan binu maxamed . waxa uu xiukunka hayay 70 maalmood waxan xukunka ka qaaday marwaan waxa lasheegaa in uu ku qarqoomay wabiga ramla …..

Boqorkii 14aad ee Umawiyiinta; waana boqorkii ugu danbeyay boqorada umawiyiinta waa marwaan mibu maxamed  waxa uu dhashay sanadkii 70 ee hijriga waxa uu xukunka hayay 126_132 hijriyada  boqorkii ugu danbeeyay boqoradii umawiyiinta ee dimishiq ka talin jiray laakiin waxa jirta dawlad umawiyiina oo markii ay dhaceen andalus ka istaagmatay oo jirijirtay . intii aanu xukunka qaban waxa uu waali ka ahaan jiray gobolka armiiniya iyo adarbiijan  waxa uu ahaa nin geesiya oo dagalyahana markii xukunka qabtay waxa u ka takhalusay dhibaatadii siyaasadeed oo xiligaas dawladiisa haysatay waxa dhidibada u taagay dawlad xoog badan laakiin dagaalkii  caanka ahaa ee dhexmaray isaga iyo caabsiyiinta ee la odhan jiray alsaab ayaa lagu jabshay isaga iyo ciidamadiisa halkaas ayayna ku dhacday dawladii xooga badnayd ee umawiyinta  isaga waa uu cararay waxa uuna galay magalada abuu sayr ee masar kutaala laakiin waa looga daba tagay waana ladilay. waxa lasheega  xiligaas in cabasiyiintu ay laayeen maga umawi wax sheegta waxa lasoo arooriya in ay wabiga ramla ku layeen cabasiyiintu 90kun oo reer banii umaya ah .

TIXRAAC:

والنهاية بداية ،

تاريخ الخلفاء ،

الدولة الاموية سير الاعلام النبلاء

DHAMMAAD

Intaas waxa inoogu dhamaaday taxanihii taariikhda islaamka gaar ahaan taariikdii UMAWIYIINTA oo intii lagu guda jiray bishii barakaysneed ee ramadaan aan ummadda la wadaagayay.

FG:- wixii khalad ah dhanka qoraalka, magacyada , taariikhda, iyo qalad kasta oo ka yimaada taariikhdan aan soo koobay aniga iyo shaydaan ayay u sugnaatay, wixii aan asiibay ee sax noqdana xagga eebbe ayay ka ahaatay. Dhammaan ummadda islaamka ee soomaaliyeed gaar ahaan  qoraayada iyo taariikhyahanada waxaan leeyahay idinka ayaan idiin dhaafay wixii qaldan inaad saxdaan, waana ka xumahay wixii qalad ah ee aan galay.

Ugu danbeyntii waxaan idiinku Hambalyeenayaa Munaasibadda Ciidda Barakaysan ee Ciidul-fidriga. Waxaana idin leeyahay Illaahay haynaga aqbalo acmaashii wanaagsanaa ee aynu soo qabanay muddadii 30cisho ahayd ee bisha ramadaan. Nabadd-gelyo.

W/Q: Khaalid Ismaaciil Cabdurraxmaan (Foodhaadhi)

Hargeysa,Somaliland

Email; Khaalidfoodhaadhi@gmail.com

Comments are closed