|

Dowlada Kenya Oo Ku Dhawaaqday Joojinta Duulimadyada Ka Imanaya Somalia Inta Uu Ku Sugan Yahay Madaxwayne OBAMA.

Nairobi,15july,2015(QJ/SDN)-Manoah Esipisu, Afhayeenka Madaxtooyada Kenya, ayaa ku dhawaaqay inay hakin doonaan diyaaradaha kaga yimaada Somaliya, maalmaha uu Madaxweynaha Mareykanka ku sugan yahay Magaalada Nairobi.

obama-kenya

Afhayeenka, ayaa tilmaamay in duulimaadyadaasi loo hakin doono baqdin laga qabo xagga ammaanka, isla-markaana ay xayiraadu qaadan doonto maalmo, sida uu yiri.

Afhayeenka oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Nairobi, ayaa carab dhabay in duulimaadyada Somaliya kaga yimaada laga joojin doono Garoomada Jomo Kenyatta iyo Wilsan Ee Magaalada Nairobi.

Duulimaadyada kale ee ka tagga dalka Somaliya, ayaa si caadi ah u taggi doona Garoomada Magaalooyinka kale ee Kenya ku yaala, sida Garoonka Degmada Wajeer Ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa Talaadadii ka digtay weeraro ka dhaca Magaalada Nairobi, mudada uu booqashada ku jooggo Madaxweyne Barack Obama. Waxayna tani ka dambeysay tallaabada hakadka lagu gelinaayo duulimaadyada Nairobi kaga yimaada Somaliya.

Madaxweynaha Mareykanka, ayaa isagoo Madaxweyne ah waxa uu markii ugu horeysay uu booqan doonnaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. booqashadiisu waxay billaaban doontaa 25-ka bishan.

 

 

Comments are closed