|

Qaramada Midoobay Oo Sheegtay in Dhimashada Dadka Shacabka Ah Ee Yemen Ay Si Xad-dhaaf Ah Usii Kordhayso.

Sanca,15july,2015(QJ/SDN)-Ugu yaraan 142-qof oo rayid ah ayaa lagu dilay dalka Yemen 10-kii maalmood ee lasoo dhaafay, iyadoo warbixin ay soo saartay QM lagu xusay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay lagu dilay Yemen dad tiradoodu gaarayso 1,670-qof.

 

Weerarrada cirka ah ee ay dalka Yemen ka geysanayaan diyaaradaha dagaalka ee Xulufada uu horkacayo dalka Sucuudiga ayaa sii socda, iyadoo loogu baaqay kooxaha Shiicada ah ee Xuuthiyiinta inay joojiyaan Xabbadda, Kuwaasoo kusii Qulqulaya magaalooyinka ay ku harsan yihiin taageerayaasha dowladda Beesha Caalamka aqoonsan tahay ee dalka Yemen.

 

Isbahaysiga uu Hoggaaminayo Sucuudiga oo Howl-galladooda duqyenta billaabay Bishii Maarso ee Sannadkan 2015-ka ayaa ku sheegay sababta ay duqeymaha u hakin la’yihiin ay tahay iyadoo Xuuthiyiintu ay weli wadaan Weerarrada ka dhanka ah Xukuumadda Itaalka daran ee dalkaas ka jirta.

 

Afhayeenka Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay Rupert Colville ayaa ka sheegay Magaalada Geneva ee Waddanka Switzerland in 142 qof oo Shacab ah lagu dilay Yemen intii u dhexeysay 03-dii illaa 13-kii bishaan July sidoo kalena lagu dhaawacay dad ka badan 224-qof oo dhamaantood rayid ah.

 

Sidoo kale, Colville ayaa sheegay in 142-qof ee la dilay muddada 10-ka casho ah in 76 ka mid ah lagu dilay isla markaana lagu dhaawacay 38 ka mid ah duqeyn ka dhacday suuq ku yaalla dalkaas.

 

“Tira-koobkii ugu Dambeeyay ayaa Muujinaya in Tan iyo 26-kii Maarso ee Sannadkan oo ay billowdeen Duqeymaha ka dhanka ah kooxaha Xuuthiyiinta Yemen ay dadka Shacabka ah ee dhintay Tiradoodu caga-cageynayso, 1,670-qof, sidoo kalena lagu dhaawacay 3,829-qof,” ayuu hadalkiisa ku daray Rupert Colville.

 

Dhanka kale, Qaramada Midoobay ayaa xustay in Tan iyo 26-kii Maarso ee lasoo dhaafay ay gaadheen dalka Yemen 10,500 oo qof oo tahriibayaal ah, kuwaasoo ka dhigaya dadka muhaajiriinta ah ee gaaray dalka Yemen Sannadkan oo keliya 37,000 oo ruux, xilli ay sii kordhayaan colaadaha ka socda dalka Yemen.

 

Qaramada Midoobay ayaa Sheegtay in Tahriibayaashan ay u kala Dhasheen Waddamada Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo intaas ku dartay in dadkan Tegitaankooda dalka Yemen uu imaanayo xilli uu socdo gurmad dadka rayidka ah looga saarayo dalka Yemen, si aanay waxyeello uga soo gaadhin colaadda dalkaas ka socota.

 

UNCHR oo dhanka Qoxootiga u Qaabilsan Caalamka ayaa Warbixinta ay soo saartay ku Xustay in ololayaasha looga hortagayo tahriibka ee laga hirgeliyay Puntland, Somaliland iyo deegaanno kale oo Soomaaliya ka tirsan ay hoos u dhigeen dadkii tahriibka uga tallaabi jiray Badda Cas iyo Badaha kale.

 

Ugu dambeyn, Hay’adda UNCHR ayaa intaas ku dartay in ugu yaraan 1.27 milyan oo qof oo Yemeniyiin ah ay ka Barakaceen Waddankooda, iyadoo 51,000-Qof oo ka mid ah ay u Qaxeen dalalka Jabuuti, Soomaaliya, Cummaan, Sucuudiga iyo Suudaan.

 

 

Comments are closed