|

Madaxweynaha Uganda Oo Dhexdhexaadin ka Wada Madaxweynaha Burundi iyo Mucaaradkiisa

Bujunbura:Jully,15,2015(SDN/QJ)-Midowga Afrika, ayaa xallinta khilaafka ka taagan Dalka Burundi u xilsaaray Madaxweynaha dalka Ugandha Yuweri Musafeni, waxana uu kulamo kala duwan la yeeshay madaxweynaha iyo mucaaridka.

nkurBooqashada Musafeni ayaa qeyb ka ah dadaalka ay dalalka bariga Afrika ugu jiraan xalinta xiisada siyaasadeed ee ka taagan wadankaasi. Musafeni ayaa ugu baaqay dhinacyada siyaasada isku haya in ay xalliyaan khilaafka isla markaana laga hortago dagaal danbe oo dalkaasi ka dhaca.

Wadamada Bariga Afrika ayaa hore usoo jeediyey in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha dalka Burundi oo lagu wado inay bishan dhacdo, balse Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza ayaa sheegay in doorashada xiligeeda dhici doonto.

Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza ayaa weli ku adkeysanaya inuu mar sadexaad xilka Madaxweynaha u tartami doono, isla markaana awood u adeegsaday kooxaha kasoo horjeeda iyo ciidamadii isku dayey inay inqilaabaan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qeybo kamid ah gobalada dalkaasi ay hada isku aruursanayaan jamhado cusub oo kasoo horjeeda dowlada Pierre Nkurunziza.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed