C/kariin Xuseen Guuleed oo loo diiday in uu gudaha u soo galo Magaalada Caabudwaaq
Caabud-waaq,14july,2015(QJ/SDN)-Odayaasha Dhaqanka Magaalada Caabudwaaq, ayaa waxay diideen Madaxweynaha Maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed inuu soo galo Magaaladaasi.
Dadka reer Caabudwaaq, ayaa waxay si guud kaga wada horyimaaden in Madaxweynuhu uu booqasho ku yimaado Magaalada Caabudwaaq Ee Gobolka Galgaduud.
C/kariin Xuseen Guuleed oo ku sugan Magaalada Cadaado, iskuna diyaarinaayay inuu booqasho ku taggo Caabudwaaq, ayaa waxaa lagu soo wargeliyay inaanu Caaabudwaaq imaan karin.
Dadka hubeysan ee ku sugan Magaalada Caabudwaaq, ayaa waxay la soo baxeen hubkooda, waxaana wadooyinka soo gala Magaalada lagu arkayaa, maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan.
Magaalada Caabudwaaq waxaa xilligan ku sugan mid ka mid ah Madaxweyne Ku Xigeenada Maamulka Gobolada Dhexe, ee looga dhawaaqay Magaalada Dhuusamareeb. Reer Caabudwaaq waxay u muuqdaan kuwo taageersan Maamulka Dhuusamareeb.
Guuleed waxa uu hadda ka baaqday safarkii uu ku taggi lahaa Magaaladaasi, waxaana soconaayo qorshe lagu doonaayo in Ku Xigeenkiisa uu safar ku taggi Caabudwaaq, halkaasoo uu Deegaan ahaan ka soo jeedo.
Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Galmudug, Maxamed Xaashi Carabey oo ku sugan Magaalada Cadaado, ayaa isku diyaarinaaya socdaal uu ku taggo Caabudwaaq.