|

Saraakiil Kenyan ah oo ku dhintay Qarax ka dhacay deegaanka Lamu iyo Al Shabaab oo sheegtay

Lamu,14july,2015(QJ/SDN)-Qarax miino ayaa lala eegtay gaadhi ay saarnaayeen Saraakiil ka tirsan Dowladda Kenya iyo dad shacab ah, kaasi oo maraayay deegaanka Lamu ee gudaha dalka Kenya.

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhimatay qaraxaasi oo saddex ka mid ah ay yihiin ciidanka Booliska dalka Kenya halka labada ruux ee kalena ay yihiin dad shacab ah oo gaadhiga ay isla saarnaayeen Booliska.

Saraakiil ka tirsan Booliska deegaanka lamu ayaa xaqiijiyay Khasaaraha ka dhashay qaraxaasi iyo in Askar ay ku dhinteen, waxaana la sheegay miinada loo dhigay Baabuurka inay aheyd mid lagu aasay wadada dhinaceeda oo Baabuurkaan lala eegtay xilli uu halkaasi maraayay.

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxaan, waxaana ay sheegeen miino ay wadada dhinaceeda ku aaseen inay ku qarxiyeen gaari ay saarnaayeen Saraakiil Kenyan ah iyo dad shacab ah.

Shabaabka waxa ay sheegteen inay lix ruux ku dileen qaraxaasi, sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo soo gaaray qaar ka mid ah dadkii shacabka ahaa ee Buska saarnaa, kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka deegaanka Lamu.

Baskaan Miinada ay Shabaab ku qarxiyeen ayaa ku sii jeeday Magaalada Hindi oo ka tirsan Gobolka Xeebta ee dalka Kenya.

Bishii lasoo dhaafay xubno ka tirsan kooxda Shabaab ayaa isku dayay in ay weerar ku qaadaan saldhig military halkaasi ku yaala. 11 ka mid ah dagaalyahanadii weerarka soo qaaday ayaa lagu dilay waxaana ka mid ahaa nin u dhashay Britain Thomas Evans

Comments are closed