|

Nuxurka War-murtiyeed ay Soo Wada Saareen Ra’isal Wasaare Sharma’arke iyo Madaxweyne Gaas-ka Puntland

Garowe:Jully,14,2015(SDN/QJ)-Kadib markii  magaalada Garowe ee ay shir ku wada yeesheen Ra’isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Sharma’arke iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli maxamed Cali Gaas, ayey si wada jir ah usoo wada saareen Mar-murtiyeed ay ku faahfaahiyey nuxurka kulankooda.

shircLabada masuul, ayaa muujiyey dareenkooda la xidhiidha tabashada maamulka Puntland ka tirsanayo maamul usamaynta Mudug, waxana uu ra’isal wasaare sharma’arke ka dhawaajiyey  inuu ku hawllan yahay sidii uu meesha uga saari lahaa madmadowga soo kala dhexgalay Dawladdiisa iyo Maamullada Jubba iyo puntland.

Warsaxaafadeedka Madaxweyne Gaas.

Waxaa sharaf weyn inoo ah in aan maanta soo dhaweyno, RW DFS mudane Sharma’arkae, oo nagu soo gaaray socdaal yaroo gaaban.

Raiisul wasaaruhu waxuu u yimid in aan ka wada tashano xiriirka dowladda federaalka ah iyo dowladda Puntland, waxadna dhammaantiin la socotaan, in waayahan dambe anaga iyo dowladda federaalku aanan isku san-banaaneyn.

Dowladda iyo dadka Puntlandna wax badan ayay ka tabanayaan dowladda federaalka, waxayna aaminsan yihiin in barnaamijkii geedi socodka nabadda soomaaliyeed, ee laga rabay dowladda federaalka-ahi, in ay hormuud u noqoto, inuusan sidii la rabay u soconin, lana baalmaray. Marka waxaan rajeynayaa in Raiisal wasaaruhu jawaabo waafi ah ka bixiyo, su’aalahaas faraha badan ee ay qabaan dowladda iyo dadka reer Puntland.

Waxaan rajeynayaa, in is-aragayagu iyo wadahadalkayagu wax badan jawigaas ka bedeli doonaan, waxaanan rajeynayaa, in imaatinkiisu noqdo imaatin kheyr ah, wadahadalkayagu iyo wada jirkayaguna uu keeno midnimo soomaaliyeed iyo horumar.

Dhanka kale, waxaa horay noola joogay, madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (axmed madoobe), oo laba beri asaga nala sii joogay, insha Allahu tacaalaa, hadana waxaa nagu soo biiray Raiisal wasaaraha, waxaan marka rajeynayaa in wadahadalkayagu noqdo mid ay ka soo baxdo dan umadeed, taasoo ah mid horumarineysa umadda soomaaliyeed, madmadowga iyo dhibta ka jirta Puntland iyo dowladda federaalkana u raadineysa xal waara, hadii Ilaahey yiyaahdo. Aad baad u mahadsan tihiin.

Warsaxaafadeedka RW. Sharma’arke

Waxaa farxad weyn ii ah in aan halkakan soo gaaro mar kale, sida uu sheegay madaxweynaha Puntland, way jireen maalmahan arima xiisada kiciyay, laakiin dalkakan waa dal aan hadda qaranimadiisa dhiseyno, aa aan dadkiisa isku keeneeyno weeye, markastana waxaa jiraya, waxyaaba shakki keeni kara, iyo in waxyaabaha qaar la isla fahmi waayo.

Hadana dadbuu Ilaahey inaga dhigaye, waxaa loo baahanyahay in aan mar kasta isku imaano, kana wada xaajoono. Halkakan imaatinkeyga waxay salka ku haysaa arinkaas, insha Allaahu waxaan rajeynayaa in marka wada hadalku noo dhamaado in aan gaarno muwaafaqo runti aad u wanaagsan, waxaa asagana halkan jooga, sida uu shaagay madaxweyne Gaas, madaxweynaha Jubbaland, asagana runtii wadahadalkaas qeybuu ka noqonayaa. Runtii farxad bay inoo tahay in aan waqti isku helno, ARINTAANA AAN SOO AFJARNO, runtii wxkasta oo xal lagu gaarayana aan meesha la imaano hadii Ilaahey yiraahdo.

Anaga iyo dadka kaloo hadda ka maqan halkan, waxaa loo baahan yahay in aan ka shaqeyno, sidii lagu gaari lahaa 2016, system federaal ah, oo runtii dadka ku wada qanacsan yihii sidii lagu heli lahaa. Marka runtii waan ku faraxsanahay, goor dambe oo galab-ahaan soo galay.

Soo dhaweynta madaxweynaha iyo sidii diiraneed ee la ii soo dhaweeyayna waan ka mahadcelinayaa runtii, aniga iyo wafdigeyga. Runtii gurigeeni baan nimaadnay. Waxaan rajeynayaa, markaan wada hadalno laba maalmood, in aan wada gaari doono, muwaafaqo iyo isfaham. Marka wixii kaleeto dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa.

-DHAMAAD WARSAXAAFADEEDKII RW. SHARMA’ARKE

 

 SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed