Al-shabaab Oo Qarax ku Laysay Saraakiil Sare Oo Ciidamada Kenya Katirsanaa
Lamu:Jully,14,2015(SDN/QJ)-Ugu yaraan shan qof oo saddex kamid ahi ahaayeen saraakiil ciidamada Booliska Kenya katirsanaa, laba kalena shacab ahaayeen, ayaa dhintay kadib markii Deegaanka Lamu ay kula qaraxday miino shabaabku halkaas udhigeen.
Saraakiil ka tirsan Booliska deegaanka lamu ayaa xaqiijiyay Khasaaraha ka dhashay qaraxaasi iyo in Askar ay ku dhinteen, waxaana la sheegay miinada loo dhigay Baabuurka inay aheyd mid lagu aasay wadada dhinaceeda oo Baabuurkaan lala eegtay xilli uu halkaasi maraayay, iyadoo qaraxaasina dhacay makhribkii xalay.
Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxaan, waxaana ay sheegeen miino ay waddada dhinaceeda ku aaseen inay ku qarxiyeen gaadhi ay saarnaayeen Saraakiil Kenyan ah iyo dad shacab ah.
Shabaabku waxa ay sheegteen inay lix ruux ku dileen qaraxaasi, sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo soo gaadhay qaar ka mid ah dadkii shacabka ahaa ee Buska saarnaa, kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka deegaanka Lamu.
Baskan Miinada ay Shabaab ku qarxiyeen ayaa ku sii jeeday Magaalada Hindi oo ka tirsan Gobolka Xeebta ee dalka Kenya.
Bishii lasoo dhaafay xubno ka tirsan kooxda Shabaab ayaa isku dayay in ay weerar ku qaadaan saldhig military halkaasi ku yaala. 11 ka mid ah dagaalyahanadii weerarka soo qaaday ayaa lagu dilay waxaana ka mid ahaa nin u dhashay Britain Thomas Evans.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com