Hiil-Dhaqmeed
10/07/15 Magaalada Hargeysa Ayaaa si Weyn loogu Soo Dhaweeyey Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi iyo Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid oo Suldaanku Mudooyinkii u Dambeeyey u Joogay Puntland Sii Deynta Abwaanka oo Ku Xidhnaa.
Suldaanka ayaa Uga Horeyn u Mahad Naqay Xukuumadda Puntland iyo Hoggaan-Dhaqmeedkooda, Sidii Fiicneyd ee ay Ugu Soo Dhaweeyeen Muddadii uu Joogay Puntland. Erayadii Suldaanka Waxa ka Mid ahaa,, Anigu Waxan Jecelahay, Wanaagga Meeshaa aan ku Soo Arkay, in Horta la ila Soo Arko, Fadhiga ka Kacdaan oo Dalka iskaga kala Socotaan,,.
Erayadii Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Askar:
Inanka Xidhnaa ee Cabdiwaaxid Cali Gamadiid Baan u Soconay, Wixii aan soo Aragnay in aanu Ummadayada u Sheegno. Ummadayada Waxanu u Sheegaynaa in aan Meesha Colaadi inoo Oolin, in Wax Curfiya iyo Wax ina Dhibayaa inoo Joogin. Waxanu u Sheegaynaain Wixii aanu u Tagnay, Halkaa Imika aynu Joogno, Dad Nooga Xaqdhawr iyo Ixtiraam Badan ayaanu ugu Tagnay, Markano Run Sheego Waxanu uga Tagnay. Dawladayadan Dad nooga Ixtiraam Badan oo nooga Soo Dhaweyn Badan, Macaa Dawladda Puntland, Maca Shacabkeeda ugu Tagnay. Markaa Waxam Dadkayaga, leenahay Wixii hore ee Dhacay Dhacee, Somalidu Hays Daaydayato, Iska War Hayso Qurux Badan. Maamulka iyo Siyaasaddu Waxay ku Heshiinayaan Wax Annaga noo Yaala oo Imika aan ka Hadlayno Ma aha.
Ereygii Gunaanadka ee Oday Cabdi Aw Maxamuud Yaasin Aw Cadde ):
aad iyo aad Waxan ugu Mahad Naqayaa Dhammaan Isimada iyo Maamulka Punt Land, Iyo Tijaartiisa iyo Shacabkiisa,
Ciddii Halkaa Magaceeda Iska Weydaa Ha Moodin in aanu ku Hilmaanay, Waxanu u Soo Koobnay ee Dusha Uga Qabanay in aanu Idin Ixtiraamno.
Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid:
Afar Dhaqan Wanaag uu Abwaanku ugu Abtiriyey Beelaha Majeerteen, Waa Boqortooyo Dhaqan leh oo Jirtta.
Waa Niman Illaahay Galaday Gees kastay Tahaye
Gadh Cadaagu Siduu I Waramay ama Ka Soo Gaadhay
Majeerteenku Waa Niman Gob ah iyo Duul Garaad Badane
Waa Boqortooyo Gun iyo Saldanad aad u Gede Weyne
Waa Niman Illaahay Galaday Gees Kastay Tahaye
Inta Geelu Dheer Yahay Lo’diyo Gaabanaw Adhiga
Intaasay Khalqiga Guud Mareen laysma Gaasira’e
Abwaanada Wax Baa Laga Guntaa YaanadGaloof Noqone
Somalida Ninkii Guur Damcow Yaanad Gees Marine
Meeel uu Gugu Ku Dhacayban ogahay Geedo Qariyeene
Haddii aad Dabeel Gaar ah iyo Gogole Doonayso
Waan in uu Hiyaga Kaa Galaa Guri Majeerteene
Amba Gooshankan Waxan Maaganahay in aan ka gaaataaye
Waa Niman Martida Gooman iyo Gacalkaba u Roone
Gool Bay u Loogaan Nimaan Gaajo Weyn Qabine
Gasiinka iyoXeedhyaha Gimgiman Darinta Geedaysan
Galxood iyo Karuur iyo Lisiyo Gocay Dhanaankeeda
Waa Niman Sooryada Gobeed Cidi Ku Gaadheyne
Waa Niman Gaajaba Maqal Geelunaw Dhalay
Garta iyo Markay Xaajadu iyo Geedka Hadal Joogta
Gar Talawga Maantu Magan Gebi Dhaclatnaayo
ee Arrintuna Gungmo Yeelatee Laysku Gacan Qaado
God Dhawiyo Anaa Goynaye Markay Guux Dhaliso
Dar Baa Xubinta Gawgawra oo Goosan Weligoode
Godka Hadalka Waa Niman Heloo Cidi Ku Gaadhayne
Waxad Moodaa in Marka la Eego Magaca & Manfaca in Beesha Ciidagale Ayna Qaanay Curashada Somaliland oo Hangool layskaga Hayo in ay Saamii ku laahdoTalada iyo Manfaca Dalka, Waxa Shacab Rayid ka Badan aan loo Ogoleyn ilaa lixdankii Doorkii ay lahayd Beeshu!!! .
Maanta Waxa laysku Duudsiyaa Dalkan u Soo Dagaalanay!!! Waa Mujaahid iyo Korneyl Hebel!!! Waxa aan Cidna ka Qarsooneyn Shisheeye iyo Sokeeyaba in Deegaanka Ciidagale ahaa Deegaankii iyo Dhulkii ugu Mudnaa ee Dalka laga Xoreeyey ee la Isu Aaminay, Maatadii iyo Caruurtii Guryahooda ka Qaxdayna lagu Aaminay. Saas oo ay Tahay, Ma Arkaysid Beesha oo Sacabaysanaysa ama Maskab Ku Doonaysa !!!Taasina Waa Dhaqan ay Beelaha Dheer Yihiin.
Gun & Gabagabada Qormadan:
Abwaan Abdiwaaxid Cali Gamadiid Waxa uu Xoriyadiisii Dib ugu Helay Hab Dhaqan iyo Hiil-Dhaqmeed aanu Sharafteeda iyo Maamuskeeda u Hayno Beelaha Majeerteen Isamadooda Waa Gob iyo Caadkeed.
Beelaha Somalilandna Mid baan Odhanayaa:
Beelweynta Daau’ud Garxajis ( Ciidagale ) Xukun iyo Dawlad Cadaalad ah ayey u Baahan Yihiin!!! Inta la Helaayo Xukun Cadaaliyah, Dhaqankii Beelaha Somaliyeed ay Ku Nabad Maali jireen, ay Daaq iyo Biyo Ku Wadaagi Jireen ee Beeluhu Talo, Tashi iyo Codsiba Isku Tixgelin Jirtay ee Maanta Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid aanu Damaashaadkeedii aanu ku Jirno, ayaa Beelaha Cidagale Diyaar u Yihiin in ay kula Dhaqmaan Beelaha Somaliyeed, Sulux iyo Afgaradba.
Dhawaaqaygu Waa Hiil-Dhaqmeed!!
Caaqil Abdulrahman Hassan Haji Adan
Ludvika Sweden