|

Madaxweyne Obamaha Maraykanka Oo Cafis Ku sii Daayey 46-Dambiilayaal Muddo Dheer Xidhnaa

Washington:Jully,14,2015(SDN/QJ)-46-Muwaadin oo xabsiyo muddo dheer ah ugu jirey Jeelasha Waddanka Maraykanka, ayaa Madaxweyne Obama waxa uu u fidiyey Cafis madaxweyne oo jeelasha lagaga sii daynayo.

jestMaxaabiista lasii daayey ayaa dhamaantood u xidhnaa falal danbiyeed la xidhiidha daroogada, wuxuuna Obama sheegay in dadkan lasiinayo fursad labaad oo ay noloshooda wax uga bedalaan.

Obama ayaa sheegay in isbedal loo baahan yahay in lagu sameeyo garsoorka Maraykanka oo xabsiyo dheer ku rida dadka lagu qabto daroogada intay doonto ha la ekaato cadadkeeduye, arrintaasi oo uu Madaxweynaha Maraykanka ku sheegay sharuuc duqowday oo u baahan in wax laga bedalo.

Xabsiyada dalka Maraykanka ayey buux dhaafiyeen dad lagu soo qabto danbiyo fudud isla markaana kuwaasi oo u badan dadka laga tiro badan yahay gaar ahaan madowga oo inta badan xabsi dheer ku muteysta danbiyada fudud.

Dowlada Maraykanka ayey uga baxdaa 80 bilyan oo dollar sanad walba xabsiyada dalkaasi.

Barack Obama ayaa dhawaan shaacinaya isbedal lagu sameynayo hanaanka garsoorka Maraykanka, waxaana lagu wadaa in maalinimada Khamiista ah uu booqdo mid kamid ah xabsiyadaasi Maraykanka, isagoo noqon doona Madaxweynihii ugu horeeyey ee Maraykanka oo xabsi booqda.

Tan iyo sanadkii 2014 ayaa cafiska Obama lagu siidaayey maxaabiis gaadheysa 89 oo loo xidhay danbiyada fudud.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed