|

Xisbiga Waddani Oo Cambaarayay Xadhiga Xukuumadu Kula Kacday Mujaahid Ooto Biixi

Hargeysa, 13 July 2015 (SDN/QJ)-Xisbiga Mucaaridka ah ee waddani, ayaa cambareeyay Xadhiga xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kula kacday Mujaahid Ooto Biixi, Isla markaana  waxay  ugu baaqeen in si degdeg ah xoriyadiisa loogu soo celiyo Mujaahidka.

Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee xisbigaasi  Axamed Muumin Seed oo arintani ha hadlaya ayaa wuxuu yidhi “ Waxaan aad uga xunahay xadhiga ay xukuumada Somaliland u geysatey Mujaahid Ooto Biixi oo ku xidhan Saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa, waxaana ugu baaqayna xukuumada in sida ugu dhakhsaha badan dib loogu soo celiyo xoriyadiisa” Ayuu Yidhi Gudoomiye Axmed Muumin Seed.

Sidoo Kale,  waxaa isna xadhiga mujaahidkaas cambareeyay xoghayaha arrimaha Gudaha ee xisbigaasi Mustafe Maxamuud Qodax “ Xukuumadu waxay xabsiga u taxbaatay  cid ka hadasha xaqiiqada rasmiga eh ee dalka ka jirta, waxaanan leenahay xukuumada waa in si degdeg ah xoriyadiisii ugu soo celiso Mujaahidkaas ay  habeen hore Xabsiga dhigtay“ Ayuu Yidhi

Comments are closed