Gabadh Dishay Dhakhtarad Reer Galbeed Ah oo Lagu Qisaasay Imaaraad Carabta
Abu Dhabi 14.July 2015 (SDN/QJ)- Ciidamada Dawlada Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa maanta oo Isniin ah qisaasay haweenay u dhalatay dalkaasi oo dil lagu xukumay, kadib markii ay dishay haweenay dhakhtarad cadaan ah.
Haweenaydan la qisaasay ayaa la odhan jiray Ala’a Badr Abdullah al-Hashemi, waxayna ahayd 31 jir.Maxkamada dalka Imaaraadka Carabta ayaa sanadkan dil ku xukuntay haweenaydan oo lagu cadeeyey inay dilkan geysatay bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay.
Ala’a Badr ayaa la sheegay inay mindi ku dishay haweenaydan asal ahaan kasoo jeeday dalka Romania xili ay ku jirtay musqul ku taal xarun ganacsi oo ku taal magaalada caasimada ah ee Abu Dhabi.
Sidoo kale gabdhan wax dishay ayaa dooneysay inay disho haweenay kale oo heysata dhalasho Maraykanka, taasi oo ay bambaano ay farsameysay u dhigtay gurigeeda, walow ciidamada ku guuleysteen in bambadaasi fur furaan kahor intii aanay qarxin.
Falalkan ay haweenaydan qorsheynaysay ayaa la sheegay inay ahayeen kuwo lala beegsanayey dadka reer galbeedka ee ku sugan wadankaasi Imaaraadka Carabta.
Dalka Imaaraadka Carabta ayaan inta badan fulin xukunka dilka, walow qisaasida haweenaydan ay timid todobaadyo kadib markii ay maxkamada riday xukunka dilka ah.