|

Mudanayaal Ka Tirsan Baarlamanka Maamulka Gobolada dhexe oo dhanka Muqdisho Baqo Carar ku tegay

Cadaado 14.July 2015 (SDN/QJ)-Qaar ka Mid ah xildhibaannada baarlammaanka maamulka gobollada dhexe ee dhowaan degmada Cadaado lagu dhisay ayaa maalmihii u dambeeyey gaarey magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

qaar ka mid ah XIldhibaanadaIla-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in arrintani salka ku hayso kadib markii xildhibaannadu la kulmeen hanjabaado iyo handadaad uga timid qaar kamid ah murashaxiintii looga guuleystey doorashadii madaxtinimada ee Cabdixakiim Xuseen Guuleed kusoo baxay.

Mileeshiyo beeleed taabacsan siyaasiyiintii laga guuleystey ayaa ku hanjabey inay beegsan doonaan xildhibaannadii ka qaatey lacagaha tirada badan hadana codadkooda u weeciyey dhanka Mudane Cabdikariim.

Xubnaha baarlammaanka maamulka Gobollada Dhexe oo cabsi ka qaba in la shirqoolo maadaama ammaanka Cadaado yahay mid aan si fiican u sugnayn, waxay badankoodu iska xaadiriyeen magaalada Muqdisho.

Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa murashaxa bixiyey lacagta ugu badan, balse waxaa jira murashixiin kale oo Axmed Cabdisalaan iyo Fiqi ay kamid yihiin, kuwaas oo dhaqaale badani kaga baxay doorashada.

Comments are closed