Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya Oo Gaadhay Garoowe Si Diirana Loogu Soo Dhaweeyay + DAAWO SAWIRADDA
Garoowe,14july2015(QJ/SDN)-Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa Maanta Gaadhay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.
Sharmaake waxaa kusoo Dhoweeyay halkaas madaxda Maamulka Puntaland, Halkaas ayuuna ku hoyday, madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe iyo C/weli Gaas ayaa ka mid ahaa Xubnaha soo dhoweyntiisa ka qeyb galay.
”Waxaa sharafweyn noo ah maanta inaan soo dhaweyno Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid oo nagu soo gaaray socdaal yar oo gaaban , waxaana uu Ra’iisul waasaruhu u yimid inaanu ka wada tashano arrimo ku saabsan xidhiidhka Dowlad goboleedka Puntland iyo tan Federaalka ah” ayuu yiri Dr Gaas.
Ra’isul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa loo soo gudbiyey xarunta madaxtooyada Puntland halkaa oo ay saxaafada kula hadleen madaxweyne Gaas iyo Raysal wasaare Cumar, Ugu horayn madaxweynaha Puntland Dr cabdiwali Gaas ayaa sheegay in socdaalka raysal wasaaraha ay tahay mid ku aadan la kulmida madaxda Puntland iyo Jubbaland ee ka tabanaya dowladda Federaalka.
Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid wuxuu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu markale soo gaadho magaalada Garoowe isagoo xusay in uu yahay socdaalkiisa sidii uu wadahadal iyo heshiis ula geli lahaa madaxda Puntland iyo Jubbaland, Wuxuu sheegay in xalka ku jiro in la wada hadlo lagana hadlo danta guud ee dalka.
Lama oga waxa uu Safarkiisu ka beddeli karo Khilaaf Maalmihii dambe Xoogeystay oo u dhexeeya Dowladda Federal-ka ah iyo Maamullada Puntland iyo Jubba, kaasoo sababay in ay Wakiillada Puntland kulmaan sheegaana in ay Dastuurka dalka u arkaan mid ay qalad ku tahay wax ka beddelka iyo Guddiyada doorashooyinka iyo Xudduudaha Federal-kana waxaa ay ku sheegeen kuwo aan Ansax aheyn.