|

Gudoomiyihii Baarlamanki U Horeeyay Ee Somaliya Jaamac Cabdilaahi Qaalib “Diir Qadhaadh” Oo Geeriyooday Iyo Taariikhdiisi Oo Kooban.

Hargeysa,13july,2015(QJ/SDN)-Waxa Wakhti Barakaysan Raxmada Illaahay U Jarmaaday Aw Jaamac Cabdilaahi Qaalib ( Diir Qadhaadh ) Oo So Qabtay Ra`iisal Baarlamaanki U Horeeyay Ee Is Raaci Labadi Soomaaliyeed Ee Aan La Mahadin. Marxuumku Wuxu Aha Markii Maraykanku U Diiday Somalida Hubka Ninki Ka Degay Moosko Ee Soo Saxeexay Heshiiski Taarikhiga Ahaa Ee Midowgi Soofyeet ku  Soo Galay Somaliya Xiligaas Oo Ay Jireen Laba Quwadood Oo Isu Dheelitiran.

Iyado Ay Somalida Xiligaas Aad Hub Ugu Baahnayd Oo Ay Iska Soo Hor Jeedeen Ethiopia Oo Ay Ka Dhaxaysay Colaad Xumi.

Loona Baahna In Ciidamadi Somalidu Helaan Hub Ay Iskaga Waabiyaan Amxaarada.Sidaasi Darteed Waxa Uu Ku Soo Guulaystay In Uu Soo Saxeexo Heshiis Taariikhi Aha Oo Ay Ciidamadi Somalidu Ku Helaan Hub Iyo Tabobaro U Dhigma Kuwii Ay Iska Soo Horjeedeen Sida Laga Soo Xigtay Ruug Cadaagi Marxuum Qaybe Oo Aha Safiirki Somalida U Fadhiyay Xiligaas Midowgi Soofiyeetka

.ddid

Marxuumku Wuxu Ku Sifoobay Adoon Cibaado Suuban Leh.Aw  Jamac  Wuxu Ku Dhashay Magaalada Hargeisa 1930 Xafada Jamaac Weyn,Wuxu Quranka Xifdigiisa Ku Bartay Malcaamaddii Sheikh Haaruun,Ka Dib Caden (South Yeman)Ayuu U Dhoofay Isagoo Uga Si Gudbay Dalka Ingriiska, Wuxu Dib Ugu Soo Laabtay Dalka 1956 Oo ka Qayb Qaatay Halgaankii Dalka Lagaga Xoreeyay Isticmaarkii Ingiriiska, Waxaanu Ka Mid Noqday Xubnihii Ugu Firfircoona Xisbigii SNL, Doorasaddii Lixdankii Waxa Laga Soo Doortay Magaalada Sallaxley Waxaanu Noqday Afhayeenki Golihii Tashriicaga, Markii Koonfuur La Isku Darsaday Wuxu Noqday Gudoomiyihi Ugu Horeeyay Ee Baarlamaankii Somali Republic. .

Nin Illahay Ku Xidhin Buu Ahaa Inaalilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun waxaanu Ifka kaga tagay Shan Hablood iyo Laba Wiil oo uu dhalay marxuumku.Qoraalkan yar Ee koobani Waa Taariikhda Marxuum Aw Jaamac Diirqadhaadh oo Kooban.

 

 

Comments are closed