War-saxaafadeed :Xukuumaddu Waa Inay Xorriyaddooda Usoo celiso Bahda Baadigoob FM
Hargeysa,13july(QJ/SDN)-War-saxaafadeed ay soo saareen Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista Somaliland ayaa si xooggan loogu cambaareeyay xadhig qaatay sagaal bilood oo ay Xukuumaddu kula kacday Madaxdii iyo Shaqaalihii Baadigoob FM oo laga dhegaysan jiray Mawjadda FM ee 89.00. Qoraalkaas oo nuqul ka mid ahi na soo gaadhay ayaa u dhignaa sidan:
“Sida la ogsoon yahay waxa uu Xisbiga KULMIYE markii uu mucaaridka ahaa samaystay Idaacad la yidhaahdo Radio Horyaal oo afkooda ku hadli jirtay, isla markaana waxay ballan-qaadeen in ay furayaan Idaacadaha Madaxa Bannaan marka ay talada dalka ku guulaystaan. KULMIYE ka yeeli maynno in uu ka xanaaqo wixii uu shalay jideeyay iyo in ay ka xishoon waayaan wixii ay Xisbiga UDUB ka xishoodeen. KULMIYE isaga ayaa xisbigii la guddoonsiiyay liisanka af-xumada.
Iyaga oo taas maanka ku haya ayay dhallinyaro reer Somaliland ahi sannadkii hore magaalada Hargeysaka samaysteen idaacad madax bannaan oo la yidhaahdo Baadigoob FM. Nasiib-darro waxa 07dii Nofember 2014ka xabsiga loo taxaabay Yoonis Faarax Cismaan oo Guddoomiyaha Idaacadda ah iyo saddex ka mid ah hawl-wadeennada iyada oo aan illaa hadda la hor keenin maxkamad sharci ah, balse waxa loo gudbiyay Xabsiga Weyn ee Hargeysa oo ay illaa hadda afartooduba ku xidhan yihiin. Aad baanu u dhibsannay in war sidan u dhiillo badani uu ka jiro caasimadda Hargeysa.
Inaga oo og cabudhinta ay xukuumaddu ku hayso saxaafadda guud ahaan, lama aqbali karo in Xabsiga Hargeysi uu noqdo Guwaantannaamo Beygii Labaad oo xukun la’aan dadka lagu daabulo. Tallaabadani waxay meel-ka-dhac ku tahay Xuquuqda muwaaddiniinta guud ahaan. Annaga si xooggan uga xun falka gurracan ee lagu kacay, waxaanu cambaaraynaynnaa duudsiga ay xukuumaddu kula kacday bahda Baadigoob FM. Waxaanu ugu baaqaynnaa in si degdeg xorriyaddooda loogu celiyo muwaaddiniinta la xidhay, isla markaana loo fasaxo baahinta wararka iyo barnaamijyadooda oo ahaa kuwo dhexdhexaad ah.
Ururrada saxaafadda, xuquuqda aadamaha iyo cid kasta oo ay arrinkani khusayso waxaanu u soo jeedinaynaa in ay ka qayb qaataan sidii loo af-jari lahaa xadhigga sagaalka bilood qaatay ee bahda Baadigoob FM oo sumcadda Somaliland ku ah nabad aan la masixi karin” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkan oo ku saxeexnaa Siciid Maxamuud Gahayr oo ka tirsan Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista Somaliland.