|

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeybgaley furitaanka Shirweynaha 3aad ee Caalamiga ee Maalgashiga Horumarinta

Addis-ababa,13july,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgaley furitaanka Shirweynaha 3aad ee Caalamiga ee Qaramada Midoobay ee dhinaca Maalgashiga Mashaariicda Horumarinta iyo kaabeyaasha dhaqaalaha oo ka dhacaya magaalada Addis Ababa.

 xq 

Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen hoggaamiyeyaasha caalamka , wakiilo ka socda dowladaha, hay’adaha caalamiga ee dhinaca maaliyadda iyo ganacsiga, ayaa waxaa si rasmi ah u furey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr Ban Ki Moon.

 

Waxaa shirkan diiradda lagu saarayaa qaabka loo tayeyn karo maalgashiga ku baxa dhinaca horumarinta, iskaashiga dhaqaalaha caalamiga iyo in la sameeyo qaab looga hortago falalka canshuuraha lala goosto oo saameyn weyn ku yeesha dalalka soo koraya.

xq1

 

Waxaa kale oo shirkan caalamiga ah looga doodi doonaa horumarinta adeegyada canshuur uruurinta ee caalamka iyo xakameynta lacagaha sida sharcidarrada ah la isugu gudbiyo caalamka oo dhan.

 

Waddamada Afrika ee shirka ka qeybgalaya ayaa dalban doona qaabab cusub oo lagu horumarin karo dhaqaalahooda.

Comments are closed