Garabka Haweenka Ee Xisbiga Waddani Oo Deeq Gaadhsiiyay Cisbitaalka Dhimirka Ee Hargeysa.
Hargeysa,13july,2015(QJ/SDN)-Garabka haweenka ee xisbiga waddani ayaa deeq gaadhsiiyey dadka ku jira qaybta dhimirka ee cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.
Munaasibad lagu wareejinayey deeqdaas oo lagu qabtay cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka qayb galay maamulaha cisbitaalka Hargeysa Dr. Axmed Daahir Aadan , agaasimaha waaxda dhimirka Dr. Mustafe Xuseen Xirsi iyo xubno ka tirsan Garabka haweenka ee xisbiga waddani oo ay ka mid ahaayeen Afhayeenka Garabka haweenka ee xisbiga waddani Amaal Yuusuf Cabdi, Mushtaaq Ibraahim Nuur oo ah Hoggaanka Caddaalada xisbiga waddani iyo gudoomiyaha abaabulka iyo wacyi-galinta gobolka maroodi-jeex ee xisbiga waddani Aamina Jirde Faarax.
Ugu horeyn Amaal Yuusuf Cabdi oo ah Afhayeenka Garabka Haweenka xisbiga waddani heer qaran ayaa hadal ay ka jeedisey munaasibadaas sheegtay in deeqdaasi ay ugu tabaruceen cisbitaalka dhimirka ee hargeysa, deeqdan oo ka kooban dhar, saabuun,kabo iyo agabka loo isticmaalo nadaafada
“anakoo ku hadlayna afka xisbiga mucaaridka ah ee waddani gaar ahaan garabka haweenka ee heer qaran ayaa waxa aanu garanay in aanu ku walaalahayaga dhimirka wax ka qaba in aanu ku caawino rag iyo dumarbba in aanu ka farxino maalinta yawmul-ciidka ah, hadday tahay duruucda dumarku ay xidhanayeen, shaadhadhkii iyo macawiisihii ay raggu xidhanayee, dacaskii ay isticmaalayeen, saabuuntii dharka iyo tii jidhkaba, saliidii madaxa, baaldiyadii ay biyaha darsanayeen iyo weelkii ay wax ku cunayeen, aanu walaalahayo manta ku sadaqadaysano, sadaqadaas oo noo noqon doonyta mid jaariya ah. Ilaahay waxaanu uga baryaynaa intii noo dhiibtay in ilaahay miisaanka xasanaadka ugu daro, anagana arajkeeda ilaahay naga siiyo, inta ka masuulka ahna ee ilaahay xilka saaray ee manta ilaalinaysa, ee sidaas sharafta leh usamaysay nadaafadooda iyo caafimaadkoodana ilaalinaysa, iyagana waxaan leenahay ilaahay miisaanka xasanaadka ha idinkuj daro.’’Ayay tidhi Marwo Amaal Yuusuf Cabdi.
Waxa kale oo munaasibadaas hadal kooban ka jeediyey Xoghaya xanaanada Xoolaha ee Xisbiga Waddani Xassan Axmed Goodaad, isagoo sheegay in deeqdan maanta ay garabka haweenka ee xisbiga waddani soo gaadhsiiyeen ay tahay talaabo lagu daydo loona baahanyahay in lasoo caawiyo dadka ilaahay xuskooda ka qaaday ee ku jira cisbitaalka dhimrka.
Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay agaasimaha cisibitaalka dhimirka ee Hargeysa Dr.Mustafe Xuseen Xirsi, isagoo u mahadceliyay garabka haweenka ee xisbiga waddani oo deeqdan soo gaadhsiiyay, waxaana uu sheegay in aanay noqon markii ugu danbeysay ee ay soo gaadhsiiyaan deeqaha noocan oo kale.
Gabagabadii waxa halkaasi isna ka hadlay maamulaha cisbitaalka guud ee Hargeysa Axmed Daahir Xassan, isagoo isna u mahadceliyay haweenka deeqdan soo gaadhsiiyay.
Hargeysa:QJ/SDN