|

Shan Booyadood Oo Wasiir Waran-cadde Leeyahay Oo Turusyo Waaweyn Hargeysa ku Dhex Mushaaxaya Iyo Kuwii Shacabka Oo Dariiqyada Laga Ugaadhsanayo

Hargeysa:Jully,13,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa diiday inuu Booyado uu Leeyahay oo Hargeysa Biyaha ka dhaamiya ka jaro turuska hore hore oo si khasab ah lagaga jaray inta badan Booyadaha kale ee waliba Gaadiiska kale ee Iska-rogooyinka ah ee Caasimadda ku sugan.

GUROCSida ay noo xaqiijiyeen Qaar kamid ah Wadayaasha Gaadiidka Booydaha oo aanu Hargeysa kula kullanay, waxana uu wasiirku  iska leeyahay ugu yaraan shan booyadood oo Hargeysa Biyaha ka dhaammiya, iyadoo intooda badani wali leeyihiin turuskii dheeraa oo hore ciidamada Nabadgelyada waddooyinka loogu amray inay xabsiga dhigaan cid kasta oo turuskaas lagu arko.

Amarka Turusyada lagaga jarayo gaadiidka iska rogooyinka iyo Booyadaha biyaha dhaamiya, ayaa waxa soo wada saaray wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliska, Wasiirku Booyadihisii wali waxa waddada marayaan iyagoo turusyadii leh oo aan laga goyinin.

Qaar kamid ah Wadayaasha Booyadaha oo u warramay Telefishanka Kalsan Tv, ayaa caddeeyey inuu wasiirku ka dhego adaygayo inuu Booyadihiisa ka jaro turusyada, iyagoo intaas raaciyey in dad aan masuuliyiin ahayni wadaan Booyadaas wasiirka,

“Wasiirka Arrimaha Gudaha shan booyadood buu leeyahay oo qaarkood carruuri waddo, markaas qofku wixii oo aanu aqoon buuxda u lahayn ayaa shilalka keenaya. Turuska halla furona waa arrin la iskaga riyooday” ayuu yidhi Mid kamid ah Wadayaasha Booyadaha Magaalada Hargeysa.

Wadahan oo Hadalkiisa sii wata, ayaa wasiirka farriin u diray, waxana uu hoosta ka xarriiqay in wasiirka looga Baayahan yahay inuu caddaaladda ku dhaqo wadayaasha Booyadaha, waxana uu yidhi,

“Wasiirku booyadihiisa qaar baanu ka furin turusyadii oo haatan dariiqyada maraya iyagoo turusyadii wali ku dhejisan yihiin, markaa wasiirku waa inuu sharciga mariyaa oo caddaaladda ku sugnaadaa.”

Tallaabada Turuska lagaga jarayo Booyadaha, ayaa si xawli ah uga socota Magaalada Hargeysa, waxase wali su’aali ka taagan tahay sababa uu wasiir waran-cadde booyadaha uu gaarka u leeyahay uga jari waayey Turusyada, halka kuwa Dadka kale uu xataa dariiqyda Magaalada dhexdeeda ugu hanjabo inay gooyaan turusyada.

Amarka Turuska lagaga goynayo Gaadiidksa Booyadaha iyo Iska-rogooyinka, ayaa u muuqda inuu yahay kii ugu horreeyey eek a fula amarro badan ooh ore wasiirka Arrimaha Gudaha uga soo baxay, kuwaas ooh al bacaad lagu lisay noqday, waxana xusid mudan kuwii uu bilicda caasimadda kor ugu qaadayey ee xadhkaha laydhka dhulka hoostiisa lagu marinayey, kii Marmarka lagu dhigayey Wajahadaha Aqallada faras-magaalada ku yaalla, midkii uu ku sheegay inuu ciidanka Diyaarado ugu samaynayo iyo qaar kale oo badan.

Shacabka ayaa si weyn u hadal haya sababta uu wasiir Waran-cadde Booyadihiisa uga furi la’yahay Turusyada, iyagoo sidoo kale ay su’aali ka taagan Booyadahaas oo maalinba maalinta ka dambaysa tiradoodu sii badanayso tan iyo intii uu Wasiirku xilka qabtay.

Wasiirka oo aanu isku daynay inaanu arrintaas wax ka weydiinno, ayaanay noo suurtogelin, kadib markii uu ka jawaabi waayey Telefoonkiisa gacanta oo aanu garaacnay.

 

Comments are closed