|

Madaxii Kooxda Daacish ee Dalalka Afgaanistan iyo Pakistaan u Qaabilsanaa oo la dilay

Kabul:Jully,13,2015(SDN/QJ)-Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Dalka Maraykanka, ayaa duqayn ku dilay Hogaamiyihii Kooxda Daacish ugu magacawnaa Dalalka Afgaanistaan iyo Pakistaan Hafiz Saeed Khan.

pekoDuqeynta ayaa ka dhacday maalinimadii Jimcaha Gobolka Nangarharee Bariga Afghanistan, waxaana Duqeynta lagu dilay Hogaamiyaha Kooxda Daacish iyo sodon kamid ah Dagaalyahanada Kooxdaasi sida uu sheegay Sargaal katirsan Sirdoonka Afgaanistaan oo lagu magacaabo Abdul Hassib Sediqi.

Diyaaradaha aan Duuliyaha laheyn ee dalka Mareykanka ayaa fuliyay Duqeynta lagu dilay Hogaamiyaha Daacish ee Dalalka Afgaanistana iyo Pakistaan, Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in Duqeynta ka dambeysay balse ma xaqiijin geerida Hogaamiyahan.

Duqeyn Diyaaradeed ayaa sidoo kale Maalinimadii Salaasada ee lasoo dhaafay waxaa lagu dilay Hogaamiyaal kale oo katirsanaa Kooxda Daacish faraceeda Afgaanistaan uu ku jiro Afhayeenkii hore ee Daalibaan Shahidullah Shahid hadana kamid noqday Kooxda Daacish.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed