“Wikileaks U Kala Hiilinmayso UDUB iyo KULMIYE Ee Wixii Xaqiiqdu Tahay Ayuun Bay Sheegaysaa..” Jamaal Cali Xuseen
Hargeysa, 13 July (SDN/QJ)- Murashaxa Madaxweyne ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku canaantay in aanay wali si cad uga hadal sirtii ay faafisay shabakada Wikileaks ee ku saabsanaa in Somaliland saxeexday heshiis Federaal ah, isla markaan wuxuu sheegay in Wikileaks aanay u kala hiilin UDUD iyo KULMIYE oo labada xukuumadoodba soo bandhigtay waxyaabihii ay ka qortay.
Jamaal wuxuu sidaa ku sheegay mar uu shalay la hadlay telefishanka Horn Cable Tv-, waxaanu sheegay in uu aad ula yaabay rag shabakadda Wikileaks u haysta shabakad wuxuun iska qorta” Wikileaks waxay jabsadan mareegaha ama sirta caalamka ayay marsaddan. Somaliland waxa weeye dalkii ugu horreeyay caalamka ee hadal ay ka sheegto Wikileaks dafira ilaa 61 kun ilaa 70 kun oo documenti oo sucuudigu ku jiro ayay jabsadeen, warqadda sirta ah ee ka soo dhex baxday ee lagaga hadlayay federaalkuna waxay ahayd warqad la diraayay oo sucuudigu u kala hiilimaayo Somaliland.”ayuu yidhi Jamaal
Waxaanu hadalkiisii ku sii ladhay “Waxaad ogtihiin Wikileaks waxay mar horeba ka hadleen arrimo Somaliland Khuseeya oo ah, dawladdii Itoobiya iyo Dawlad Daahir Riyaale oo iyadoo ahayd xiliyaddii aqoonsiga laga hadlayay iyagoo dhinaca wanaagsan ka eegayaa, markaa wikileaks u kala hiilinmayso UDUB iyo KULMIYE ee wixii xaqiiqdu tahay ayuunbay sheegaysaa, markaa ayaan dadka la mashquulinin oo aan looga dhigin shabakad cid waliba wax ku qori karto, oo rag waaweyn oo intay halkan soo istaageen, iyagoo aan garanayn waxay Wikileaks tahay dadka been u sheegaya oo wax xaqiiqda ka fog wax wanaagsan maaha. Dawladii ilaa si cad ugamay jawaabin sirtii Wikileaks ama fashilaadii inay dalka federaal saxeexday.”