|

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Caddeeyey Inay Meesha Ka Baxday Aaminaaddii Shacabku ku Qabay Maxkamadaha Dalka Iyo Kiis Arrintaas Ka Marag Furay Oo Shalay Lagu Kala Hagaagay

Hargeysa:Jullly,13,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee Somaliland Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa muujiyey sida bulshada somaliland uga aamin ka-baxday Maxkamaddaha iyo Caddaaladda Dalka, isla-markaana u aaminsan tahay inay arrimahooda dhamayn karaan Goobo madax bannaan oo maxkamadaha ka baxsani.

seroAadan Xaaji Cali Axmed oo Saxaafadda Kula Hadlay Xafiiskiisa, ayaa sidoo kale ku dheeraaday sida Bulshadu saska uga qabto Goobihii garsooridda loogu talo galay oo maxkamadaha ah, waxana uu tilmaamay in maxkamadaha dalku gaadheen heer lagaga kalsooni bato Guddiyo shicib ah oo iska madax bannaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dacwad muddo saddex sannadood ah ka socotay maxakamaddaha dalka oo ku saabsan guri ku yaala Hargeysa  oo laba qoys isku haysteen ay dhammeeyeen Guddi madax bannaan oo arrintaas loo saaray, isla-markaana maxkamaddu arrintaas ogolaansho buuxa siisay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in habka noocan ah intii bisha Ramadaan lagu jiray ay ku dhammeeyeen kiisas adag oo qaarkood dil ahaayeen, kuwaas oo dhinacyadu ku kala baxeen dhaar ama in si gaar ah loo xalliyo, iyadoo maxkamadda laga madax bannaan yahay,

“Waxaan maanta saxaafadda ugu yeedhay inaan sheego inay muuqato in dadkeenii sharcigii u fahmeen, in inta la is dacweeyo 20 sanno, 15 Sanno, 16 Sanno, 18 Sanno dacwaddii socoto oo dabeedna dhinacyadii is dacwaynayay ba isku dul baaba’aan, hantidii la isku dacwaynayayna baaba’do, waliba gaar ahaan dacwadaha madaniga ah, waayo? Madanigu wuu ka fudud yahay waa wax laga tanaasuli karo, waa wax dhinacyadu hadal ku xallin karaan, markaa sidaas aanu Kiisaskaas u xallinay in lagu fakaro” ayuu yidhi Guddoomiye Aadan.

Aadan Xaaji Cali Axmed waxa uu ku dheeraaday guuldarrooyinka Garsoorka dalka haysta, waxana uu badka soo dhigay dawcado jiilal badani iska dhaxleen oo dadkii bilaabay wakhtiyo hore god galeen, iyadoo jiitankuna iska sii socdo, waxana uu yidhi, “Waxa kale oo la yaab leh oo aan idiin sheegayaa, dacwado Maxakamadda sare ku jira ama maxakamaddaha kale ku jira ayaa waxaad arkaysaa Jiilkii is haystay ee Dacwaddaa bilaabay inay geeriyoodeen, Jiilkii labaad ee amma ay dhaleen ama ehelkooda ahaa ee dacwada sii amba qaaday ay sariir yaal yihiin ama ay dhinteen oo hadda qolo saddexaad oo wax socday iyo arrinkani meel uu marayay ba aan garanayna ay hadda wadaan”

Guddoomiyaha Maxakamadda sare waxa uu bulshada u sharaxay waajibka Maxakamaddaha “Maxakamaduhu waxay u taagan yihiin inay sharciga ku taagnaadaan, inay xaqa difaacaan oo Caddaaladda  raacaan” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxakamadda sare ee Somaliland.

Gebi ahaanba shacabka somaliland ayaan inta badan kalsooni buuxda ku qabin Maxkamadaha dalka ka jira, iyadoo sababaha ugu waaweyni ay yihiin inay adag tahay in caddaaladi halkaas ka dhacdo, isla-markaana Garsoorayaashu ay caado ka dhigteen kiis kasta oo ay gacanta ku qabtaan inay camal ka dhigtaan oo aanay oggolaan innay soo afjaraan.

Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed oo ah Aqoonyahan da’yar ayaa laga filayaa inuu arrimahaas soo afjari karo, isla-markaana soo celiyo kalsoonida iyo aaminaadda shacabka ee dhinaca Maxkamdaha oo haatan halkii ugu hoosaysay maraysa.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed