|

Mishiin Baraf dhaliye Labaad ah oo Laga Hirgaliyay Magaalada Qadiimiga ah ee Maydh

Maydh, 13.July 2015 (SDN/QJ)- Mishiinkii labaad ee Baraf-dhaliye ah ayaa shalay laga hirgeliyey Magaalo xeebeedda faca-weyn ee Maydh,Mishiinkan oo ay baahi weyn u qabeen dadweynaha iyo Kaluumaysatada Degmada Maydh kaasi oo ay mudooyinkii ugu danbeeyey ku hawlanaayeen hirgalintiisa Maamulka Degmada Maydh ayaa si rasmiya loogu rakibay Xarunta Degmada ee Maydh.

mishiinMishiinkan oo si rasmiya looga hirgalieyey Degmada Maydh ayaa Hawl wadeenadii wadi lahaa hawlaha shaqo ee Mashiinkan loo Tababaray siday ugu shaqayn lahaayeen mishiinka.

Maayarka Degmada Maydh Prof: Huseen Sh.C/raxmaan Sh.Siciid Maydh oo ka hadlay xaalada guud ee Degmada iyo sidoo kale Mashaariicda horumarineed ee Sanadkan laga hirgaliyey iyo kuwa bilaha soo dhaw laga fulin doonaba waxa uu yidhi “ka Maamul ahaan intii aanu xilka Degmada haynay Maamuulkayagu wuxuu u ahaa Maamulkii horumarka iyo wax qabadka badnaa iyadoo isla markaasina laga hirgaliyey Degmada Mashaariic mugle oo ay ka mid yihiin laba Mishiin oo baraf dhaliye ah oo mid laga hirgaliyey jully 6 2014 iyo kan maanta 11/7/2015 laga hirgaliyey degmada sidoo kale waxa Degmada Maydh laga dhisay Fadhiisinka Ciidamada Badda ee Aaga Barri ,Dugsi Waxbarasho ,dhinaca Tababarada oo Kaluumaysatada Degmada loo qabtay tababaro kala duwan oo kor loogu qaadaayey xirfadooda iyo aqoontoodaba iyo sidoo kaleQalab isugu jira Mishiinada laashash, Talaagadaha yaryar ee ay barafka ku Qaadanayaan oo dhan 200 iyo qalabka kaluumaysiga oo dhamays tiran oo kaluumaysatada degmada loo qaybiyay”

barafdhaliyeDhinaca kale Maayar Huseen ayaa waxa uu ka waramay Mashaariic mugle oo dhawaan Degmada laga hirgalin doono kuwaasoo ay ugu weyn yihiin in dhawaan Maamulka Degmada Maydh ee uu hogaamiyaha u yahay ay dadaalo badan oo ay u galeen ku guulaysteen in Degmada laga dhiso Deked weyn taasi oo ay ku baxayso lacag ku dhaw 1.3 milyan dolar iyo Qaboojiye Kaluunka lagu kaydinaayo oo qaadaaya ilaa 50 kun oo tan oo ay maalgalinayso Sanduuqa Horumarin Somaliland (SDF) iyo sidoo kale in degmada laga hirgalin doono isla sanadkan Xarunta guud ee Wasaarada Kaluumaysiga iyo khayraadka bada ee Gobolka Sanaag iyo sidoo kale mashaariic kale oo iyana muhiima oo ay hada ku hawlan yihiin helistooda.

Comments are closed