|

Mulki ay Somaliland lahayd oo Mar kale Qaramadda Midoobay Dhaxal Wareejisay una xalaalaysey Somalia DHAGAYSO

Hargaysa 13.July 2015 (SDN/QJ)- Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday in dawladda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah loogu wareejiyey Maamulka Hawada dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya oo ay Somaliland qayb ka tahay, waxaanay sheegtay inay Hay’adda Maamulka Hawada uga masuulka ah Qaramada Midoobay ee ICAO iyo dawladda Soomaaliya ay ka bexeen heshiisyo hore looga gaadhay qaabka soo wareejinta maamulka Hawada oo ay labada dhinac si siman inay u wadaagaan dhigayey.


duulista hawada somalilandAgaasimadaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Cumar Sayid, ayaa sheegay in dhawaan Hay’adda ICAO ku casuuntay kulan saddex geesood ah oo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku dhexmaraya Guddiyo Farsamo oo ka kala socday Somaliland, Soomaaliya iyo Hay’adda ICAO, kuna saabsanaa arrimaha Maamulka Hawada Somaliland iyo Soomaaliya.


“Hay’adda Duullimaadyada Qaramada Midoobay u qaabbilsan ee ICAO, ayaa na casuuntay, Guddi Farsamo oo Hargeysa ka tagtay oo anigu aan hoggaaminayo oo laba qof ah ayaannu ahayn iyo Guddi kale oo dhiggayaga ah oo Muqdisho ka timi, labadaa Guddi ee Farsamo ayaa isu yimi, waxaanay ujeeddadu ahayd in la isla soo dhaweeyo qaabkii Farsamo ahaan Hawada loo maamuli lahaa. Markaannu meeshii tegnaynayna wax wixii ka duwan baannu ugu nimi.” Sidaa ayuu yidhi Agaasime Cumar Sayid oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da.


Agaasimaha guud ee Duulista Somaliland oo la weydiiyey waxa uu uga jeedo hadalka uu sheegay ee ah; ‘wax wixii ka duwan baannu meesha ugu nimi’, waxa uu ku jawaabay; “Waxaannu ugu nimid qabyo-qoraalka heshiis aannaan ogeyn meel lagu kala saxeexday, qabyo-qoraalkaas oo aan wax xidhiidh ahba la lahayn wadahadalladii soo socday, isfahamkayagii Beesha Caalamku goob-joogga ka ahayd-ba inta meel la iska dhigay, ayaa la soo qoray heshiis ah in Hawadii Muqdisho toos loogu wareejinayo, halkaana laga maamuli doono, Annagoo Somaliland ahna aannu hoos tagi doonno.”


Sidoo kale, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulistu wuxuu sii iftiimiyay meesha Soomaaliya iyo ICOA ku kala saxeexdeen Heshiiska, waxaanu Su’aal qodobkaas laga weydiiyey uu kaga jawaabay; “Dawladda Federaalka iyo Hay’adda ICOA, ayaa isla gartay Heshiiska oo meel Montreal (magaalo dalka Canada ku taal) la yidhaahdo ayay isla tageen, halkaas baanay ku kala saxeexdeen, annaguna waxba kamaannaan ogeyn.”


Mar uu Agaasimuhu ka jawaabayey tallaabada ay qaadeen markay arrintaas la kulmeen, waxxa uu yidhi; “Annagu waxaannu sheegnay mawqifka Somaliland ka taagan tahay baannu si waadax ah u sheegnay, waxa goob-joog xubin-sharaf ah ka ahaa Safiirka dawladda Turkiga u qaabbilsan Soomaaliya iyo Somaliland. Waxaannu sheegnay inaannu diyaar u nahay in Hawada la wadaago oo aan la siyaasadayn, waxaannu sheegnay inaannu Walaalahayo ku ixtiraamayno inaannu waxan wada leenahay oo la wadaagno, laakiin xaqayagii aannu doonayno, Safiirka Turkigu wuu noo garaabay, waxa uu meesha ka sheegay in sidaa lagu heshiiyey oo uu noo markhaati-furay. Haddana, Walaalahayo (Guddiga Soomaaliya ka socotay) arrintii dhag umay jalaqsiin.”


Agaasimaha guud oo la weydiiyey inay Guddiga Soomaaliya ka socotay iyo Guddiga Hay’adda ICOA ka socotay si gaar ah ugala hadleen arrimahan, waxa uu ku jawaabay; “Runtii Wufuuddaasi waxay ahayd Wufuud aan awood u lahayn halkaas inay go’aan ku gaadho, qabyo-qoraalladaa Canada lagu gaadhay ayay daba socdeen. Ciddaannu annagu Marti u ahayna Guddiga Soomaaliya may ahayn ee Hay’adda ICOA ayaannu ka sugaynay inay meel dhex-dhexaad ah ka istaagto arrinta. Waayo? Hawadu maaha wax siyaasad geli kara, maaha wax cidi afduubi kara. Somaliland iyo Soomaaliya hal khad bay ku wadahadlaan, Taawarka Muqdisho ku rakiban iyo ka Hargeysa ku rakibani hal khad oo isku mid ah bay leeyihiin, haddii hal mar hawada la soo wada galo way khalkhalaysaa, macneheeduna wuxuu noqonayaa inay Nairobi sii taallo (Maamulka Hawadu).”


Waxa uu sheegay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Cumar Sayid, in hore Warbixinno ICOA u samaysay ku sheegtay in dhinaca tayada hagidda iyo maamulka ay Somaliland ka horumarsan tahay Soomaaliya, isla markaana wakhtigaa la isla qaatay in Hargeysa laga dhigo xarunta laga hagayo Maamulka Hawada dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray Farsamo ahaan iyo Ammaan ahaanba. Hase-yeeshee, ay dawladda Federaalka Soomaaliya Heshiiskaas ka baxday, waxay uga baxeenna iyaga la weydiin doono.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKII AGAASIMAHA GUUD EE DUULISTA HAWADA SOMALILAND
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/DUULISTAHAWADA13.mp3″]

Comments are closed