Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo Sida fiinta uga Qayliyay War laga faafiyay
Hargaysa 13.July 2015 (SDN/QJ)-Taliska ciidamadda booliska ee Somaliland ayaa beeniyay warar been abuur ah oo ay daabaceen qaar ka mid ah mareegaha internet-ku, warkaasi oo wax lagaga sheegay amaanka caasimadda Hargaysa in uu hoos u dhac mu yimid.
Warkaasi oo ay baahisay shebekadda wararka ee HALBEEGNEWS, sida uu sheegay Taliyaha ciidamadda booliska Somaliland sareeye guuto Cabdilaahi Fadal Iimaaan, waxa uu sheegay in dhawr jeer oo hore ay sidan oo kale shebekadaha wararka qaarkood uga been abuureen ciidamadda booliska.
C/laahi Fadal, waxa uu sheegay inay tahay been aanay waxba ka jirin, isla markaana hawsha amaanka ee ay ciidamadda boolisku hayaan ay markhaati ka yihiin shacbigu. waxaanu ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin, isla markaana been abuur cad ah.
Taliyaha ciidamadda booliska, isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Runtii beentani ma aha tii koowaad ee lagu faafiyo mareegaha iyo website-yadda, waxaad hore u ogaydeen Page facebook ah oo anaan anigu lahayn, ciidankuna shaqo ku lahayn, oo dad gaar ahi isticmaalan, oo ku adeegta magaca ciidanka police-ka, kaas oo aad halkan ka sii gali gart si aad u aragto ugana feejignaataan horana aanu shacbiga uga dignay baadhistiisana aanu wadnohttps://www.facebook.com/pages/Ciidanka-police-somaliland/289854331176773
ILLAHAY iyo shabgiga ayaa ka marag ah, hawshaa adag ee ciidanka police-ku heeganka ugu yihiin dalkooda iyo dadkoodaba, arrinta mareegta Halbeegnews qortayna waa waxba kama jiraan, oo indhiina idiin macalin ah, haddii aad tihiin shacabka iyo saxaafadaba”
Dhinaca kale taliska ciidamadda booliska ee Somaliland ayaa beeniyay warar been abuur ah oo ay daabaceen qaar ka mid ah mareegaha internet-ku, warkaasi oo wax lagaga sheegay amaanka caasimadda Hargaysa in uu hoos u dhac mu yimid.
Warkaasi oo ay baahisay shebekadda wararka ee HALBEEGNEWS, ayaa sarkaal sare oo u hadlay ciidamadda boolisku waxa uu ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin, isla markaana been abuur cad ah.
Waxaanu sheegay sarkaalkani u hadlay booliska in ciidamadda boolisku ay dhawrkii maalmood ee u danbeeyay si weyn uga hawl galeen sugidda amaanka guud ahaanba magaalooyinka dalka gaar ahaana caasimadda Hargaysa, maadaama oo ay foodda inagu soo hayso Ciidul-fidriga.
Sarkaalkani u hadlay ciidamadda booliska oo beeniyay warka ay shebekadaasi qortay, waxa uu yidhi “Waxaa wax laga xishoodo oo laga yaq-yaqsoodo ah, been abuurka cad ee ciidanka police-ka shabakaadaasi ka daabacday, ee ay ku tilmaantay in aanay nabad galiyo jirin caasimadda Hargeysa tobankan cisho ee u danbeeyay ee Ciidda. Taasina waxa ka marag ah ummadda iyo shacbiga ku nool caasimadda Hargeysa, iyadoo Daraad uu dhex lugeynayay Taliya guud ee ciidanka Police-ku sareeye guud Cabdilaahi Fadal Iimaan, oo Shaashadaha aad ka daawateen bacadlaha suuqa magaaladda Hargeysa dhexdiisa, isagoo ka qayb qaadanayay ilaalinta Amniga iyo hawlaha ciidanka police-ku ka dhex wadaan caasimadda magaaladda Hargaysa”.
“Waxa kale oo shabakadaasi been abuur cad, oo qaawan ku sheegtay in uu taliyuhu baqdin awgeed uu uga soo guuray Gurigiisii, taas oo ah been aan sal iyo raad toona lahayn. Taliyihuna uu gurigiisii degan yahay, markastana uu heegan ku yahay hawlaha ciidan iyo Awaamirta ciidanka ee dalka oo dhan. sidoo kaleeto waxay shacbigu indhahooda ku arkayaan suuqyadda magaaladda Hargeysa sida heeganka culus ay ugu jiraan ciidamadda police-ku, Min taliye ilaa askari waana wax ILLAAHAY lagu mahadiyo.iyadoo shabakadasi qoraalkeeda laba jeer marna amaanaysa, marna been cad qoraysa, taasina idiin cadaynayso in waxa ay qortay tahay Mala awaal, Innan yari iska soo soo geliyay”ayuu yidhi masuulkani u hadlay booliska.
Sidoo kale Sarkaalkani waxa uu sheegay in ay anshax xumo tahay in shaqsi aan waxba ka ogayni uu iska qoro warar been ah isagoon la soo xidhiidhin saraakiisha booliska, waxaanu intaasi ku daray in ay sharciga la tiigsan doonaan qofkii qoray wrakaasi lagu baahiyay shebekadaasi.
“Ma aha Innan yar oo aan waxba ka ogayn, oo Laptop sitaa in uu arrimaha ciidanka faragelin ku soo sameeyo. Isagoo aan la soo xidhiidhin Masuuliyiinta sar sare ee ciidanka Amniga, anagoo wajibaadkiisana sharciga la tiigsan doona, cidii dacaayadahaasi qortay. Waxaanan shacbiga u sheegaynaa iyo saxaafadda madaxa-banaan ee xorta ah ee ka Camerdaha sitay, in ciidanku hadh iyo habeen heeganka ugu yihiin amniga dalkooda iyo dadkooda.Waxaanu si fiican ugu mahad celinaynaa sida wanaagsan ee shacbigu ula shaqeeyaan ciidanka amniga” ayuu yidhi sarkaalkani u hadlay ciidamadda booliska Somaliland.