|

Ururka Samafalka Haldoor Org,Ayaa Deeq Iskugu Jirta Dhar Iyo Raashiin Gaadhsiiyeey Boodhiinka Caruurta ee Degmada Salaxley

Waxa Shalay Deeq Raashiin iyo Dhar Iskuga Jirta Gaadhsiyeey Degmada Salaxley Ururka Samafalka Haldoor ,Deeqada oo

Ka Koobanayd Dhar iyo Raashiin La Gaadhasiyeey Boodhiinka Caruurta oo Ururku ka War-Hellay Baahiiyadoda Halka ka Jira ,Isla Markana Deeqada Ayaa Ahayd Mid ay Soo Biixiyeen Muxsiniin Degaanka uu Dhaltay oo Igu Tallo Gashay in Ay ka Farxiiyaan Caruurta Taballaysan ee Halka Ku Jirta Caruurtasii oo Caruur uu Badan Qaar aan Waaliid Lahayn
Hada-baa Xafllad loo Sameeyaay Wareejiinta Deeqada Ayaa Waxaa Ka Soo Qeyb Gallay Wasiir ku-Xigeenka Waasarada Qorshynta Qaranka C/kariin Axmed Mooge Waxa Kale oo Isna Soo Qeyba Gallay Xildhiban Siciid Liibaaxo oo Ka Tirsan Gollaha Guurtiida Waxa Kale oo Iyaguna ka Soo Qeyb Gallay Cuqaal iyo Weliba Mayorka Degmada Sallaxley Shiine
Dhinaca Ururka Waxa Iyaguna Goob Ka Ahaa Agaasimaha Ururka Haldoor Deeq Cismaan  iyo Khasnajiga Ururka Sheekh Cabdinuur Maxamed Carab Afhayeenka Ururka Nadiira Daahir Bootan iyo Xubno Kale oo Ay ka Mid Yihiin Layla Maxamed iyo Foosiya Raashiid ,
Ugu Horeeyn Waxa Halka ka Hadlay Agaasiimaha Ururka oo Sheegay in uu Ururku uu Taganyahay Baahiida Degaanka Isla Markana Mar Weliba uu Ka Qeyb Qaato Baahiiyaasha ka Jiira Degaanka agaasime Deeq Ayaa Sheegay in Deeeqaddaniii Tahay Tii Labaad ee Ururka Bisha Baraakaysan ee Ramaadan Biixiiyo Geesta Kale Agaasiime Deeq  Ayaa uga Mahadnaqay Mux-siiniinta Degaanka ee Mar -Walba uu Taagan Wax Tarka Dadkooda Tabaaleeysan
Waxa Isna Halka ka Hadlaya Xildhiban Siciid Liibaaxo oo Sheegay in Loo Bahanyahay in Dadka Jilicasan loo Gaar gaaro inta Laga Awoodo Xildhibanka Ayaa Isna uu Mahadnaqay Quurbo Jooga Deganka e uu Tagan Wax ka Qabashada Degaankooda .Waxa Iyaguna Halka ka Wada Hadlay Mayorka Degamada iyo Cuqaasha Degaanka oo Dhamantood baa Sii Isku Mid ah uu Sheegay in Loo Bahanayhay in Dadaalka Halka Laga Sii Waddo
Waxa Iyaguna Halka ka Mahadceliyeey Mamuulka Boodhiinka Salaxley oo Sheegay in Raashiinkan iyo Dharkan Ciyaalku ay ku Ciidii Laahayn loo Bahaana Isla Markana Kheyr iyo Ajar Badan Laga Heelii Doono Inshallhaa
Gebogebadii Waxa Xaflada Wareejiinta Deeqada Soo Xidhay Wasiir ku Xigeenka W.Q.Q C/kariin Axmed Mooge oo ugu Baaqay Dhaman Qurbe  Jooga Deegaanka in Ay Ka Wada Qeyb Qaatan Baahiida ka Jirta Deegaankooda Una Mahadceliyeey Ururka Haldoor oo Wasiirku ku Amaanay Sida ay uu Waddaan Shaqada ay Ka Hayaan Deegaankooda ,Sheegayna Haddii aan Caruurta Wax ay Cunaan Aanu Ilmahu Waxba Barran Kariin Ila Inta uu Ka Hellayo Wax u  Cuno.

Comments are closed