Deg Deg : Dagaal Ka Soconaya Magaalada Kismaayo.
Kismaayo,12july,2015(QJ/SDN)-Xoogag hubeysan oo la aaminsan yahay inay ka tirsan yihiin Ciidanka Nabad Suggida Magaalada Kismaayo, ayaa waxay weerar xoogan ku qaadeen Xarunta Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland, uu ku lee yahay Magaalada Kismaayo.
Mid ka mid ah ilaalada Maxamed Warsame Faarax (Darwiish), Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbland, ayaa waxa uu qori ka soo dhacay askari ka tirsan Nabad Suggida, isagoona dib ugu soo laabtay Xarunta Wasiirka. Taasi ayaana keentay in lagu soo weeraro Xaruntaasi.
Xarunta oo ku taala xaafadda Calanley, ayaa waxaa laga maqlayaa rasaas xoogan oo la soo sheegaayo inay isweydaarsanayaan Xoogagii weerarka soo qaaday iyo Ilaalada Wasiirka Arrimaha Gudaha.
Wararka, ayaa waxay intaa ku darayan in ugu yaraan laba ruux ay ku dhimatay iska horimaadka, tiro kalana ay ku dhaawacantay, iyadoona ay suurta gal tahay in khasaaruhu uu intaa ka bato, haddii ay weli rasaastu socoto.
Ilo wareedyo, ayaa sheegaaya in Wasiirka Arrimaha Gudaha uu ka maqan yahay Xarunta la weeraray, isagoo ka mid ahaa wefdigii Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ee Sabtidii gaaray Magaalada Garoowe.
Dhanka kale waxaa soconaaya dadaalo lagu doonaayo in xabadda lagu joojiyo, oo ay wadaan dhinacyada kale ee ku sugan Xarunta Gobolka Jubbada Hoose Ee Magaalada Kismaayo.
Si kastaba ha-ahaatee iska horimaadkan, ayaa waxa uu saamayn ku yeeshay bulshada ku nool xaafadda Calanley iyo goobaha kale ee ku dhow dhow.