|

Safiirka uu Madaxweyne Siilaanyo Sodoga u Yahay ee Loo Magacaabay Imaaraadka Carabta oo Lagu soo Dhoweeyey Hargeysa DAAWO

Hargeysa 11.July 2015 (SDN/QJ)- Safiirka cusub ee dhowaan loo magacaabay dalka Imaaraadka Carabta Mr. Baashe Cawil Cumar, ayaa ballanqaaday inuu si daacad iyo xilkasnimo leh u gudan doono waajibaadka xilkan loo magacaabay muddada uu hayo xilka loo gartay.

BAASHE MOORGANMr. Baashe oo ku soo laabtay dalka maanta, kadib markii madaxweyne Siilaanyo u magabaacay xilka safiirka dalka Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay inuu meel fiican marayo xidhiidhka Somaliland la wadaagto dalka Imaaraadka, dhowaanna horumar kale la filayo.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Md. Axmed Adan Ismaaciil (Keyse) oo ugu horreyn ka hadlay soo dhoweyntiisa, ayaa sheegay inay farxad u tahay soo dhoweynta safiirka cusub ee Somaliland dhowaan u magacowday dalka Imaaraadka Carabta, waxaanu yidhi, “Waxa farxad weyn noo ah in aan dalka ku soo dhoweynno safiirka cusub ee Somaliland u qaabilsan dalka Imaaraadka Carabta Mr. Baashe Cawil oo runtii aan kalsooni weyn ku qabno inuu yahay nin hawsha loo magacaabay wax weyn ka qaban kara.”

Ambassador Baashe Cawil Cumar, ayaa ka mahadceliyey sida loogu soo dhoweeyey dalka, gaar ahaan wasiir-xigeenka Arrimaha Dibedda oo uu sheegay inuu macallin u ahaa, “Waan ku faraxsanahay in aan dalka ku soo laabto oo weliba wasiir-xigeenka Arrimaha Dibedda, Keyse igu soo dhoweeyo oo hore macallinkayga u ahaan jiray, farxad weyn ayey ii tahay, keligayga iimuu ahayne rag kalena way jireen uu macallin u ahaa.”

Waxa kaloo safiirka cusub sheegay inuu u mahadcelinayo madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo xilkan u magacaabay, waxaannu yidhi; “Waxaan u mahadcelinayaa madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo magacaabista xilka iyo weliba Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis oo igu booriyey qabashada xilkan.”

Waxaannu intaas ku daray, “Xil kastoo la magacaabo culayskiisa ayuu leeyahay, xilkan lay magacaabay ee Imaaraadka Carabtuna mid masuuliyaddiisa yeelan doona ayuu noqon doonaa, maadaama Imaaraadku yahay dal aynu xidhiidh soo jireen ah leenahay, hadday noqoto xidhiidhkii ganacsi oo muddo boqollaal sannadood horteed lahayn iyo ka waqtigan muddadii xukuumadan jirtay culays badan saartay isu-soo-dhowaanshaheenna, isla markaana booqashooyin kala duwan oo wefti Madaxweynaha Somaliland ku tegay, midhaheedii keentay in xafiis Somaliland leedahay laga furo Imaaraadka Carabta.”

Ambassador Baashe Cawil ayaa ballanqaaday inuu si xilkasnimo leh u gudan doono waajibaadka xilkan loo magacaabay, “Waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu xilkan ii fududeeyo, isla markaana ballanqaadayaa in aan si daacadnimo iyo xilkasnimo leh u gudan doono, muddanaan xilka hayo,” ayuu yidhi.

Comments are closed